Friday, September 25, 2009

DEG-DEG - Kulmiye iyo Ucid oo guulaystay

(Waridaad)-Waxaa saaka ku soo galay dhuumasho golaha Guurtida xildhibaanaddii muxaafidka ahaa oo dhamaan xalay seexday gurigii cusbaa ee ina Riyaale dhistay ee ka danbeeyey golaha Guurtida iyo shacabkii oo isoo bax iyo isuruursi ku jira.

Madasha golaha markii xildhibaanadu ku soo dhamaadeen ayaa codkii mudo kordhinta la qaaday laguna ansixiyey in mudada Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisu noqoto bil lagu daray mudada Server-ka ay khubaradu ku hagaajiso, isla xiligaana doorashadu dhacdo taasoo waafaqsan heshiiskii sadexda xisbi wada qaatay ee deeqbixiyayaashu soo jeediyeen.


Wixii ka soo baxa halkan kala socda.

Waridaad media centre


No comments: