Wednesday, June 30, 2010

Natiijooyinkii madaxtooyadda oo goor dhow lagu dhawaaqaayo

(Waridaad) - Wasaaradda Daakhilaga ayaa xalay ilaa maanta ku hortaagnayd sanaaduuqdii, Garadag iyo Awdal iyagoo u soo socda xarunta guud ee komishinka.

Waxaa gudoomiyaha doorashooyinka mudane, Ciise Xamari la hadlay taliyaha ciidanka poliska qaranka isagoo waydiiyey sababta ay u xayireen sanaaduuqdaa, kuna jawaabay inay wasaaradda daakhiligu amarkaas xanibaada bixisay, isagoo ka cudur daartay inuu sii daayo, una janjeediyey eedaa wasiirka daakhiliga.

Gudoomiyaha oo arrintaa daba socdaana la xidhiidhay wasiirka daakhilga taasoo wasiirku qaban waayey telephonkiisa, taasoo ka cadhaysiisay gudidda doorashooyinka una sheegay inay cododka dalka oo dhan ay hayaan, haday sii dayn waayeen iyo haddii kalena aanay habsami u socda waxba u yeelayn, haystaana natiijooyinka dalka ka soo baxay oo dhan.

Haddaba sida warwar u dhawdhaw ay sheegayaan waxaa lagu dhawaaqayaa natiijada ka ma danbaysta ah maanta oo ay tahay Arbaca.

Halkan kala soco wixii soo kordha.

Axmed Quick

Hargaysa, Somaliland

No comments: