Friday, July 02, 2010

Kulmiye oo ku guulaystay doorashaddii madaxweynaha

(Waridaad)-Xisbiga Kulmiye iyo musharaxiintiisa ayaa ku guulaystay doorashaddii ka dhacday dalka June 26, 2010, taasoo ay ku kala guulaysteen Madaxweyne Axmed Maxmed Maxamuud Siilaanyo jagadda Madaxweynaha shanta sanadood ee soo socota, halka uu isna ku guulaysta Madaxweyne ku xigeen Cabdiraxman Saylici.

Xisbiga Kulmiye waxuu helay 49.59% halka Udubna ay heshay 33%, Ucidna ay heshay 17%.

Waxaa isna xalay hambalyeey madaxweynaha cusub mudane Faysal Cali Waraabe, waxaa isna maanta hambalyeeyey madaxweynaha cusub, mudane Daahir Riyaale Kaahin oo cadeeyey inuu si xarag leh ku wareejin doono xilka.

Waxaa madaxweyne Siilaanyo mar saxaafaddu ay ku booqatay hoteel Mansuur oo ay hadda ku jiraan labada masuul uu sheegay in sharciga degdega ah la lalin doono, isagoo xusay in xeerka argagixsadda uu sidiisa ahaan doono, fariin u diray cida ay khusayso in ay ooda ka rogaan cidii aan wax danbi ah lagu haysan marka laga reebo inta u xidhan arrimo argagaxnimo.

Waxaa maanta oo jimce ah ay tahay ummadda reer Soomaaliland ku cibaadaysanayaan masaajidada dalka iyagoo ilaahay ugu mahad naqaya si fiican ee doorashadu ugu dhamaatay iyo isu hambalyanta ka soo yeedhay labada musharx ee kale.

Dhinaca kale wararka caalamka ka imanaya ayaa sheegaya in doorashada ka qabsoomtay Soomaaliland ay tahay mid caalamku u qushuucay noqonaysona mid u horseeda Soomaaliland inay himilooyinkooda jawaab fiicaan ka bixin doonta, caalamkuna aanu maanta indhaha ka qarsan doonin.

Waxaa iyana ah fariin 26kii June oo ahayd maalintii Soomaaliland ka qaadatay Ingiriiska, kuna beegeen doorashadii madaxweynaha Soomaalinad kuna dhawaaqeen 1dii July oo ahayd maalintii Soomaaliland calankeedii u qaaday koonfur, iyagoo doortay madaxweyne cusub oo ku yimi rabitaan shacab, dhambaal u ah cid kasta oo gooni isu taaga Soomaaliland muran gelisay.


Axmed Quick

Hargaysa, Somaliland

1 comment:

Download Ebook Gratis | cara-blog | kumpulan bisnis online said...

thanks bro for this information, visit back to download ebook gratis, please =p