Friday, September 21, 2012

Feysal Cumar Mushteeg oo Hargeysa ku Geeriyooday isla Dhurkana la Aasi doono

(Waridaad -Hargeisa, Somaliland)-  Alla ha u naxariistee waxa xalay ku geeriyooday magaaladda HargeysaMacallin, Abwaan, Fanaan Feysal Cumar Mushteeg oo ka mid ahaa Fanaaniinta Somalida kuwa ugu Caansan ee Bud-dhiga u ahaa Fanka Somaaliyeed.

Marxuum Feysal CumarMushteeg waxa uiu ku Geeriyooday Cisbitaalka Hargeysa oo uu in muddo ah Bukaan ahaan u jiifay, waxaana saaka u yimi Mawdkii isla markaana waxa lagu jiraa qaban qaabada Aaskiisa oo salaada Jimce kadib ka dhici doonta Xabaalaha Xeedho.

Feysal Cumar Mushteeg Alla ha u Naxariistee waxa uu ahaa Macallin Hibo Ilaahay u raaciyay Fanka, waxaanu lahaa Taariikh badan oo Bulshada Somaliyeed aad uga dheregsan tahay, isagoo Caan kuah Heesaha, masraxiyadda iyo Hal abuurnimaduba.

Taariikhda Marxuumka wixii aanu ka gaadhi karno waxa aanu idiinku soo gudbindoionaa Barnaamijyo, balse saaka waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa Tacsi ay dadweyne kala duwani na soo gaadhsiiyeen iyagoo Ilaahay augabaryaya inuu Naxariistiisa waasaca ah siiyo Marxuumka.

Inaa Lilaahi wa ianaa Illayhi Raajicun

No comments: