Wednesday, July 20, 2005

Kala mudan Ina Dhoolayare iyo Marwo Adna. "Nin shir ka duday siigo yaraa”



Maahmaah Somaliyeed baa tidhaa “raggu waa geed sare waab” oo macnaheegu noqonayoThey see only Pig picture”. Balse maahmaah kasta oo raga ka dul marisa dumarku ama dumarka lagu xaqirayaa mar bay beenowdaa. Tusaale arintaa kuu xaqiijinayaa waa dhacdadan layaabkaleh ee aan hoos ku qoray oo ka dhacday xafiiska wasaarada Arimaha dibada ee magaalada Hargaysa.

Laba wasiir ee Arimaha dibada iyo Warfaafinta ayaa ku balansaday wariyayaasha xafiiska wasaarada Arimaha dibada si ay ugaga waramaan socdaalkoogii Maraykan iyo waxayaabihii ay kala kulmeen. Intii aanu shirka jaraa’id bilaabmin ayuu waxa gooba soo galay Wasiirkii Warfaafintu, waxaana uu ku yidhi wariyeyaashii: “Nin walawba sheeg Saxaafada aad ka socoto”, Wariyeyaashii waxay bilaabeen inuu Nin walba sheego Saxaafada uu ka socdo, markii la maraayey Wariyihii ka socday Radio Haryaal ayuu qaylo ku dhuftay Wasiirku, kuna amray inuu ka baxo goobta. Waxaa bilaabmay buuq iyo Sawaxan Wariyeyaashii kalena, waxaanay u sheegeen Wasiirka, in Saxaafada Somaliland wada sexeexday “Code Of Conduct” , in lagu dhaqmaa ay haboon tahay oo aan cidna gaar loo takoorin, waxaa kale oo ay sheegeen, inuu jiro xeer Golaha wakiiladu Ansixiyeen oo madax-banaanida Saxaafada ka hadlaya.

Wasiirku, waxaa uu ku jawaabay, “Waxba kama jiraan Code Of Conduct-ka, xeerkaad sheegaysaana dib baanu ugu celinay Golaha Wakiilada, Isna waa waxba kama jiraan, Radio Horyaalna waa idaacad xaaraan ah, oo qayral Sharci ah, haka boxo wariyuhu meesha”.
Waa yaabe tolow wasiirku sharciga ma isagaa jeebada ku sita?. Haddiise uu isagu xilkii wasaarada halka radio maamusha ee aan daafaha Hargaysa gaadhin, waxba ku soo kordhin kari laayahay tan iyo Warancade dabadii, muxuu uga xumaanayaa haddii muwaadiniin reer Somaliland ahi ay radio caalamiya samaysteen? Maxaase sababay in wasiirada dawladu ay waraysiyo ay siiyaan Radio Shabeele iyo Horn of Africa oo qadiyada Somaliland ka soo hor jeeda halka ay ka takoorayaan Radio Horyaal.

Marka uu wasiirku leeyahay waxba kama jiraan xeerka warbaahinta ee dastuurka Somaliland ma xasuusanyahay qodobka sadexaad ee go’aamadii ka soo baxay shirkii uu kaga qaybgalay ee Lost Agels “3-The Convention calls on the government and all political parties (specially the government) to uphold and give full respect to constitution of the country an the rule of law” Sadex todobaad uun ka hor ayuu go’aankan dawlada iyo xisbiyaduba ay wada jir u saxeexeen. Hadaba haddii uu wasiirku aanu u tagin shirkan talo korodhsi iyo in waxii ka soo baxa ee la wada saxeexo la dhaqan galiyo, waa yaabe tolow ma dalxiis buu LostAngels u tagay.

Arinka oo sidaa u cakiran ayay Marwo adna soo gashay qolkii shirka waxanay ku soo biirtay doodii ka dhex socotay wasiirka warfaafinta iyo wariyayaasha iyada oo isku dayaysa inay wasiirka ku qanciso inuu ka noqdo wariyaha uu golaha ka saaray, balse wasiirku wuu ku adkaystay kuma uu ixtiraamin wasiirkii xafiiskiisa martida loo ahaa, taas oo keentay in ugu dambayntii ay marwo Adna go’aan ay kaligeed gaadho uguna yeedho wariyihii goobta laga saaray, balse Wasiirka warfaafintu markuu arkay wariyihii uu shirka ka saaray oo soo galaya wuu ka baxay shirkii halkaana waxa warbixin ku siisay wariyayaashii marwo Adna oo qudha.

Calaamadaha lagu garto hogaamiye wayn waa inaanu isku mashquulin waxyaabaha hoose eegana yoolka dheer (long vision). Calaamadaha dumarka lagu yaqaanana waa inay u fiirsiga iyo xintanka ku dheereyaan hadaba labadan wasiir keebaa geedsare waab noqday keebase ku mashquulay xintan iyo hoos u fiirsi. Ina dhoolayare maanu hore aabahii ugu dardaarin “ha noqonin ka shirka ka dudee noqo ka garta qaata” muuse maqlin maahmaahda tidhaa “Nin shir ka duday siigo yaraa” Gabagabaddii dhacdadani waxay kuu muujinaysaa wada shaqayn xumida iyo ixtiraam darida ka dhaxaysa wasiirada Rayaale iyo sida aan loo isticmalayn dastuurka wadanka u yaala oo banaynaya xuquuqda warbaahinta. Inkasta oo ay labada wasiir dawga iyo garashada ku kala saxnaayeen hadana waxa la yaableh inay dawlad ku wada jiraan. Aan ku soo afjaro heestii “Kala awran labaduyo edebtiyo xishoodkiyo asluubtay isku dhaafeen Caqligii wanaagsanii …..”

PS
Ula’ma jeedo qoraalkan shaqsi abaar inaan ku sameeyo wasiirka warfaafinta, balse cidkasta oo dastuurka Somaliland ku sheegta waxba kama jiraan ayaa mutaysan karta eedayn lagu sameeyo iyadoon loo aabo eegayn.

Abdirahman Jama (Holland)

maandeeq2@yahoo.com