Tuesday, July 12, 2005

MA DHABAA IN CISMAAN CAATO LAGA MASTAAFURUYEY MADAARKA HARGEISA?

Warar ayaa sheegaay, in shalay 11.07.05, Dayaarad ka timid dhinaca Muqdisho oo ay leedahay Shirkada Dayaaradaha ee Daallo Airline, ay siday Wasiirka hawlaha Guud ee Dawlada Embaghti lagu soo dhisay ee Somalia Cismaan Xasan Cali ( Caato ), ka dibna uu kaga degay Madaarka Hargeisa, si toos ahna u galay Qolka Martida ee V.I.P., halkaasna ay ugu tageen Madaxda Booliiska Madaarku, kuna amreen in uu dib ugu noqdo Dayaaradii uu ka soo degay.

In kasta oo aanuu Cismaan Caato tafaasiil ka bixin ujeedada socdaalkiisa, hadana cabashada uu ka cawday amarka dib ugu noqoshada Dayaaradii uu la socday ee Boolisku ku amray, ayaa cadaynaya in Meesha uu u socday ay ahayd Somaliland, ka dib markii uu ku tiraabay “ Waar Dayaaradu Jabuuti ayey u socotaaye iga daaya”.

Balse, Booliisku waxa ay u sheegeen inay sidaasi amar kaga haystaan Madaxda Sare ee Dalka, ayna qasab tahay inuu dib ugu noqdo Dayaaradii uu la socday, sidaas ayuuna dib ugu raacay Dayaaradii uu la socday, dhinaca Xukuumadana wali kama soo bixin faah-faahin socdaalka Caato ku saabsan.
Warar kale ayaa sheegaya inuu Cismaan Caato bar yahanba ku sugnaa Dalka Gudihiisa Muddo Lix cisho ah, habka mastaafurinta iyo aamusnaanta Xukuumaduna ay tahay arrin la sii qorsheeyey.

Dhinaca kale, waxaa Dalka soo gaadhay wiigii hore Biriish fur-fur ah, oo laga keenay Xamar, oo lagu daadiyey Xerada Hay’ada Wadooyinka Somaliland, oo ku yimi, qandaraas ay wada galeen Xukuumada Somaliland iyo Cid aan la garanaynin, tafaasiil ka bixintiisana ay ka gaabsadeen Saraakiisha Hay’ada wadooyinku.

Biriishkan oo aad u tamar yar, waxaa uu ka mid ahaa Biriishyadii UNISOM ay isticmaalli jirtay xiliyadii ay Somalia soo gashay, kuwaas oo ku dhacay Gacan Bililiqo.

Socdaalka Cismaan Caato, waxaa la tuhunsan yahay inuu la xidhiidho arrinta Biriishkaas, bacdamaa uu yahay Nin Baayac-mushtar ah, Hoggaamiye kooxeed ah, isla markaana yahay Wasiirka Hawlaha Guud ee Somalia.

No comments: