Thursday, July 28, 2005

Mudanow madaxweyne mar waan kuu garaabaa marna waan kula yaabaa

Mudanow madaxweyne dalkeenu malaha dhaqaale buuran iyo miisaniyad culus, dalkeenu ma laha macdan iyo ceelal baadroolo burqanaaya, dalkeenu cawiimo wayn oo caalamka ka timaad iyo aqoonsina wali muu helin. Waan kuu garaabaa markaan arko inaanad dadkoo dhan aanad shaqo wada siin karin ama aanad dhismayaal waawayn iyo mashruucyo noo furin. Balse waxaan kula yaabaa markaan arko adigoo aan ka faa’iidaysan xooga dhalinta shaqada la’iyo xooga ciidanka qaranka adigoo dhulka ku dhisaya iskaa wax u qabso (mise taliskii horaa taa loo nacay). Miyayna yaab ahayn inaydun maxaabista jeelka Hargaysa xoogooga loo isticmali waydeen inaydun baytalmeeyo jeelka loo qodo. Anigu hadaba yaabaye maxaa sababay in haddii iskuul la ranjiyaynayo in hay’ad loogu yeedho inagu hadaynu xoolo waynay miyaynaan xoog lahayn hore ayaa loo yidhi “Arrad waa dan uskag se waa doqoniimo” ha inagu ceebaynina oo ha odhanina qashinka hay’adi ha inaga nadiifiso.

Mudanow madaxweyne bulsho waynta dalkeenu wali umay bislaan dooda siyaasada iyo isticmaalka saxaafada, siyaasiyiinta wadankeenu yaw-yawtan iyo shaqsi abaar ayay dooda u yaqaanan markaan arko adigoo amuusan waan kuu garaabaa wayo waxan arkayaa siyaasiyiintii hadlayay oo aan wax khayrleh aan ku hadlayn. Balse waddan waxa lagu hogaamiyaa wacyigalin iyo abaabul horaana loo yidhi “Riyo aamusay iyo rag aamusayba reerkooga gabe”. Hadaba yaabaye codka dowladaadu inuu caalamka gaadho oo uu yeesho warbaahin dhiiri galisa dadkeena meelkasta oo ay joogaan ma miisaniyad culus bay u baahantahay.

Mudanow madaxweyne mar waan kuu garaabaa marna waan kula yaabaa. Cadaalada dalkeenu inay dhutiyayso aqoonyahano daacadoo sharciyada yaqaanana ay inaguyaryahiin waan kuu ogahay, waan kuu garaabaa markaan arko inaad markii aad kursigan fuushay kooxdii cadaalada dhabarka ka jabisay aad koox kale ku badashay, balse kuwiina ay noqdeen kud ka qax oo qanjo u guur. Waan kuugu garaabaa inaad jeclayd inaad cadalada hirgaliso balse waxaan kula yaabaa markaan arko lacagtaad miisaniyada u ga qoondaysay wasaarada cadaalada, hadaba haddii ay kaa dhabtahay horumarkaad cadalada la jeceshahay maxaad miisaniyadada uga fuudhyeeli wayday cadalada oo aad kaadir cusub cadalada wax ugu bari wayday ama xaakimo dibada uga soo kiraysan wayday.

Mudanow madaxweyne waan ogahay in aanay fududayn in si dhaqso ah loo xaliyo siyaasada cakiran ee barriga dalkeena waan kuugu garaaba inaanad soo wada jiidan karin rag tolnimo lagu beer laxawsaday oo geeskale looga baaqayo, waan ogahay inaad markaad kursigan fuushay socdaalkaagii mu’amaraad laga soo ababulay Garoowe uu la fashilmay, balse waxaan kugula yaabaa inaad cadhadaad ka soo qaaday aad intii ku raacsanaydna aad u sii riixdid oo aad gobol dhan dayrisid, miyaanad maqal “Gacantaadu haday suro gasho la iskuma dhuftee waa la dhirandhiriyaa”.

Mudanow madaxweyne mar waan kuu garaabaa marna waan kula yaabaa. Dimuquraadiyada, dawladnimo fiican iyo nabadgalyadu waa sadex shay oo aynu aduunka ugu faano, si aynu aqoonsi uga helo, balse waxaan is waydiyaa intee in leeg ayaa tacadub loo gaystay dimuquradiyayda intaad jagadan haysay. Mudanow madaxwayne waan kuugu garaabaa inaan shacabkeenu u bislaan inay banaanbax nabadgalyo ah sameyaan iyagoon rabshad iyo dhagaxtuur dhigin, waan kuu ogahay inaan ciidanka booliskuna aanay lahay xirfad iyo qalab ku filan oo ay rabshado noocasa kaga hortagaan. Balse waxaan kugula yaabaa markaad tidhi cid banaanbixi kartaa ma jirto xitaa xisbiyada iyo aqoonyahanadu shirar ma qaban qaabinkaraan. Mudanow madaxwayne manad ogay wuxuu Siyaad Bare eeday inay ahayd “car juuq dheh” miyaad wayday xal intaa ka sokeeya iyo inaad raadiso “sidii xeegana ay xeego ku noqon lahayd ilkana ay ku nabad galayaan”.





Talo soo jeedin:



Mudanow madaxwayne anigoon rabin inay I qabato maahmaahda tidhaa “Habar fadhida lagdini wax uga fudud” ama aan noqonayn habartii dusheeda daruuruhu ay ku hooreen ee tidhi dadba wada maanshee oo daad wararac, kuna barbar dhigayn wadamadan boqolaalka sanadood soo jiray ee aan ku noolahay ayaan jecelahay inaan kuu soo jeediyo, shan qodob oo talo ah oo la mug ah awooda dowladaada iyo miisaniyadeeda:

Dawladu waa inay si dhaqso ah gudiyo ugu saartaa ka soo shaqeeya sidii looga faa’iidaysan lahaa xooga dhalinta iyo ciidanka si iskaa wax u qabso ah (mutadawacnimo ah) iyadoo lagu kabayo dhaqaalo ururin qurba jooga. Inkasta oo aanu wadankeenu hanti wadag ahayn hadana ma jiraan wax inoo diidaya inaynu isticmaalo waxyaabah fiican ee aynu hanti wadaga ka baranay. Sawd kuuriya maaha hanti wadag hadana wadankooga waxay ku hour mariyeen shaqo qasab ah iyo iskaa wax u qabso.
Dawladu waa inanay warbaahinta cadow u arag ee ay iyadu barataa habkii ay u isticmaali lahay.
Cadaaladu waxay leedahay mudnaanta kowaad waayo horaa loo yidhi “where there is no justice there is no peace” dawladu waa inay miisaniyad xoogleh u cayimtaa wasarada cadalada kaadir cusubna u tobabartaa hawshan ama dibadaha ka radisaa dad hawshan qabta.
Dhibta ka taagan bariga laguma xalin karo oo qudha cudud military oo halkaa la geeyo ee bal waa in dhinacyadii wada hadalka iyo la xidhiidhida beelaha ay taladu ka go’do dib loo eegaa.
Mabnuucida mudaharadyada, xidhxidhida wariyayaasha iyo isticmaalka xukunka dagdaga ahi waa meelka dhac loo gaystay dastuurka dawladu waa inay xal kale oo dastuuriya u raadisaa arimahan.


Abdirahman Jama (maandeeq2@yahoo.com)

Holland

No comments: