Sunday, July 31, 2005

Ra’iisal Wasaaraha Dawlada Somalia Mr Geeddi Oo Sheegay In Uu Kula Kulmay Ethiopia Wasiirka Maaliyadda Somaliland Cawil Cali Ducaale



Hargeisa (SL.Org) Wasiirka maaliyada Somaliland, Cawil Cali Ducaale, ayaa mudo dhowr todobaad laga joogo kulan qarsoodi ah kula yeeshay Hotel Sheraton, Addis- Ababa, ee Caasimada dalka Itoobiya, Cali Maxamed Geedi, Ra’iisal Wasaaraha dowlada Cabdilaahi Yuusuf ee dalka Somaliya loogu soo dhisay Mbagati.

Warkan ayaa markii uu soo shaacbaxay uu Wasiirka Maaliyada Mr Cawil Cali Duale beeniyay. Hase yeeshee war ay maanta qortay websiteka WaagaCusub, ayaa sheegay in Ra’iisal wasaare Cali Max’ed Geeddi uu daboolka ka qaaday inuu meel heer sare ah marayo wadahadallada gaar ka ah ee ay leeyihiin mas’uuliyiinta Somaliland. Waxaana hadalkii Mr Cali Maxamed Geedi ka mid ahaa “Annaga iyo Somaliland waxaan is dhahnay waxaan wada shaacin doonaa maalin qura, waxaana kuu sheegayaa in xaalku uu meel fiican marayo, in kastoo aan u mahadcelinayo wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya oo gacan weyn ka qaadatay sidii aan u wada hadli laheyn annaga iyo Somaliland” ayuu yiri Ra’iisal wasaare Geeddi oo intaasi ku daray in uu magaaladda Addis Ababa kula kulmay wasiirka maaliyadda Somaliland Cawil Cali Ducaale.

Mr Cawil Cali Duacaale oo Addis-Ababa tagay dhowr cisho ka hor imaatinkii Cali Maxamed Geedi ayaa ilaa iminka aanay cadayna waxa ay Geedi ka wada hadleen, mana jirto cid ka socotay Somaliland oo Cawil ku wehelinaysay shirkaa qarsoodiga ah ee uu la yeeshay Cali Maxamed Geedi.

Wasiirka Maaliyadda Somaliland, Cawil Cali Ducaale, oo kulankaa ka dib ku soo laabtay Hargaysa ayaa in muddo ahba socdaalo qarsoodi ah oo aan kala go’lahayn ku gaalaa bixinayay Hargaysa iyo Addis-Ababa. Socdaaladaas iyo warkan toona daboolka lagama qaadin ujeedadooda, hasa ahaatee, waxa tuhun wayn dadku ka qabeen howlaha gaarka ah ee wasiirku ugu noqnoqday Addis-Ababa. Socdaaladan qarsoodiga ah, ee Wasiir Cawil ku tagay Adis Ababa, ayaa sii xoojiyay khilaaf u dhaxeeyay Madaxweyne Riyaale iyo Wasiirka Arrimaha Dibada Marwo Adna Aadan oo ka cadhootay in hawlihii wasaaradeedu ku shuqul lahayd uu madaxweynuhu si qarsoodi ah ugu igmaday Wasiirka Maaliyada Mr Cawil Maxamed Ducaale.

Somaliland.Org Editorial




No comments: