Tuesday, August 30, 2005

Warsaxaafadeed Ay Wadajir U Soo Saareen Labada Xisbi Ee Kulmiye iyo Ucid









LABADA XISBI EE QARANKA EE KULMIYE IYO UCID:-
MARKAY ARKEEN;Sida ay Xukuumadda UDUB ugu tumanayso Xeerkii Hab-dhaqanka ee Xisbiyada Siyaasada.

MARKAY ARKEEN: Sida Sharci darada ah, ee ay u dhaqmayaan Wasiirada iyo Madaxda Sare ee Xukuumada UDUB uguna tagri falayaan awooda iyo hantida Qaranka ee amaanada ku ah; magacaabida Wasiirada iyo jagooyin sar sare oo kale, sida ku ololaynta Lacagta Ummadda, isticmaalka Gaadiidka iyo Shidaalka Dawlada iyo Hay’adaheeda, haddi’daada iyo eriga Shaqaalaha lagu tuhun san yahay taageerada Mucaaradka, eriga shaqaalaha Saygoodu ama Ooridoodu ku biiraan Xisbiyada Mucaaradka, isticmaalka Xukunka degdega ah iyo xabsi u dirida taageerayaasha Mucaaradka isku dirka Beelaha iyo fidmo abuurka sida dhacdadii Oodweyne uu Wasiirka Hawlaha Guud ka sameeyey iyo haddidaadda murashaxiinta mucaaradka qaar ka mid ah (eeg lifaaqa 1aad), waxa kaloo ka mid ah haddidaad qoraal ah oo wasiirka qorshayntu u diray Hay’adaha Samafalka ee waddaniga ah (eeg lifaaqa 2aad).

MARKAY ARKEEN:Abuurista ay xukumaddu abuurayso xaalado siyaasadeed oo muransiin kara beelaha iyo deegaamada reer Somaliland, sida: xuduudaha degmooyinka iyo Gobolada Hargeysa, Saaxil iyo Awdal.

MARKAY ARKEEN: Sida guracan ee ay u adeegsanayso Maxkamadda sare ee Qaranka iyo tan Distooriga ahba. Waxay isla garteen in arrimahan kor ku xusan iyo kawa la mid ka ahiba dhammaan ka hor imanayaan sidii ay u dhici lahayd Doorasho xor ah oo xalaal ah, isla markaana waxaa ay khatar ku yihiin Nabad-galyada Guud ee Dalka.

Sidaa darteed, waa in ay Komishanka Qaranku talaabooyinkan qaadaan:-

1. Waa in ay Xakamayn gaar ah oo adag lana taaban karo saaraan Hay’adahan:
a) Bangiga dhexe ee Somaliland.b) Dekeda Berbera.c) Dakhliga Garoomada Dayuuradaha Dalka.d) Ciidanka Booliska.e) Gadiidka Dawlada.f) Wakaaladda Biyaha Hargeisa.
2. Waa in ay joojiyaan adeegsiga xeerka degdega ah.
3. Waa in ay talaabo wax ku ool ah ka qaadaan Wasiirada Sumaynaya jawiga Nabadeed iyo wada-shaqayneed ee ka dhaxaysa Dadka reer Somaliland.
Xukuumadana waxaanu toos ugu sheegaynaa, haday u baratay inaanu anaguna qaylino iyana aanay Dhag-jalaq noo siinin ee ay teeda iskaga socoto waxay rabtana fasho; maanta sidii hore ahaan mayso ee ka fiirsada waxaad ku kacaysaan hana noqonina Dacawadii halkay macasha ku baratay macaluusha ugu bakhtiday.

Ugu dembayntii, waxaanu Dadweynaha Reer Somaliland meel ay joogaanba uga digaynaa inay ku dhacaan booraamaha hadimo ee ay Xukuumaddu u qodayso iyo isku dirka Beelaha oo aanay Dhag u jalaqsiin fidnada Xukuumaddu wado.
Waxaanu ku adkaynaynaa Ummadda inay nabad-galyada ilaashadaan si ay Doorashadu nabad ugu dhacdo kuna dedaalaan sidii labadii Doorasho ee ka horeeyey.

WA BILAAHI TAWQIIFAHMED MOHAMED SIILAANYO ENG. FAYSAL CALI-WARAABEGUDD. XISBIGA KULMIYE GUDD. XISBIGA UCID LIFAAQ WARSAXAAFADEED
CABASHO CADDAALAD DARRO.

Waxaanu aad uga xunahay in ay Guddiga Doorashooyinka Qaranku dib uga dhacdo, xakamaynta Wasiirada iyo Madaxda sar sare qaarkood sida badheedhka ah ugu ololaynaaya Xisbiga UDUB, iyaga oo adeegsanaaya awooda mansab kooda iyo hantida Dawlada.
Tusaale, haddii aanu ka bixino:

1. Wasiirka Warfaafinta Md. C/laahi m. Ducaale, waxaa uu si badheedh ah ugu guda jiraa, ololaha UDUB, isaga oo safaro is daba jog ah ku gaalaabixinaya Degmooyinka Gobolka Sanaag, taas oo sida wararku nagu soo gaadhayaan uu kaxaystay Madax shaqaale Dawladeed ah oo uu ka mid yahay Maareeye ku-xigeenka, Dekeda Berbera Md. Bile Xirsi Ciid.

2. Wasiirka Maaliyada Md. Huseen Cali Ducaale, ( Cawil ), oo guri uu UDUB ugu ololeeyo ka furtay Magaalada Burco. Halkaana Safaro isdaba joog ah oo la xidhiidha ololaha ku taga isaga oo aan qarsanayn.

3. Wasiirka Hawlaha Guud oo hadda ku sagan Magaalada Oodweyne, ee Gobolka Togdheer, oo sida wararku nagu soo gaadhayaan ka wada arrimo Nabad-galyada wax u dhimi kara oo iska horkeeni kara Beelaha Degmada. waxaa kale oo uu si badheedh ah u faro galiyey, arrimaha iyo Hawlaha Golaha Deegaanka, isaga oo isku deyaya , inuu bedelo Maayarka Md. Mohamed Jaamac. Waxaa kale oo uu Wasiirku Xilka ka wareejiyey Xoghayihii Degmada Durugsi oo la yidhaahdo Ahmed C/laahi Cabdi, sida Wararku sheegayaan, oo uu ku eedeeyey inay is xigaan una ololeeyo Musharaxiinta mucaaradka ah.

Haddaba, Wasiirka oo daba socda booqashadii Weftiga KULMIYE ee Oodweyne, waxaa muuqata inuu Xilkii Wasiirka Arrimaha Gudaha ka hayo halkaa, oo si sharciga ka gudubsan kaga dhaqmayo. Wasiirku waxaa uu Magaalada la tagay 2 Baabuur oo Tikniko ah, oo cago Juglayn tacadi Dadka Degmada ku haya. Waxaa kale, oo wax aad loo diido ah, kan marag kici kara falalka Wasiirka, hadaladii uu fagaaraha ka lahaa eek ala fiindhaynta Dadka Reer Somaliland oo dagaalkii sokeeya dabada ku haya.

4. Wasiirka arrimaha Gudaha Md. Ismaaciil Adan Cismaan, wuxuu todobaadkii ina dhaafay sii galbiyey Musharixiin UDUB ah oo uu Berbera geeyey, arrintaasi waxay ka hor-imanaysaa, Xeerka hab-dhaqanka Xisbiyada ee la kala sexeexday iyo xeerka Doorashada oo mamnuucaya, in Hantida Dawlada lagu galo ololaha Doorashada. Waxaa kale, oo nasoo gaadhay inuu shiriyey Madaxda Dawlada ee Gobolka, sida Taliyaha Booliiska, Maareeyaha Dekeda iyo kuwa kale oo uu amar ku siiyey inay taageeraan Musharixiinta Xisbiga UDUB oo la fadhiyey, wuxuu amray inay siiyaan Shidaal iyo wixii taageero ah ee kale ee ay u baahdaan.

5. Wasirka Qorshaynta Qaranka Md. Ahmed X. Daahir, waxaa uu qoray warqada halkan ku lifaaqan, oo Hay’adaha Samo-falka Wadaniga ah uga digayo inay ka qayb qaataan Doorashada, arrintaas oo aanu u aragno mid xaqa muwaadinka ee Distooriga ah iyo xaqa Bulshada rayidka ahi ay leedahay inay is abaabulaan oo ka qayb qaataan arrimaha Siyaasada ee Dalka. Wasirku awooda Dawladeed ayuu si aan haboonayn oo Sharciga ka baxsan uu u isticmaalay.

6. Waxaa warar sugan aanu ku helnay in Maareeyaha Dekeda Berbera Md Cali Cumar Mohamed ( Xoor-xoor ), uu shaqaalaha Dekeda amar ku siiyey inay u ololeeyaan UDUB haddii kale “ ay shaqadooda waayi doonaan “ waxaa na soo gaadhaya inuu Lacag badan oo UDUB loogu ololaynayo Magaalada ku bixiyo, waxna Madaxda kale ee Magaalada soo marta u dhiibo si ay Ololaha ugu galaan.

7. In labada Gobol ee ay ka soo jeedaan Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka Awdal iyo Saaxil ay ka jirto Cago-juglayn weyn oo lagu hayo Taageerayaasha Xisbiga UCID siiba Magaalada Dila.

Hadaba, Tusaale ahaan hadaanu intaa ku bixino, waxaa xaqiiq ah in Wasiiro badan oo kalena ay saaxada ololaha ku jiraan sir iyo caadba, markaa waxaanu Guddiga Doorashooyinka ka Codsanaynaa arrimahan soo socda:-

A. Baadhista iyo wax ka qabashada arrimaha kor ku xusan oo degdeg ah. Inta baadhista ka horaysa oo Komishanku arrimahan si guud oo digniin ah uga hadlo.

B. In la sameeyo Guddidii xeerka Hab-dhaqanka Xisbiyada ee ku xusan qaybtiisa Sedexaad Faqradiisa labaad arrintaas oo muddo dhaaf ah.

C. In Komishanku uu ku soo qoro digreetooyin ku xusan xeerka Hab-dhaqanka Xisbiyada qaybtiisa sedexaad Faqradiisa labaad.

D. In naloo soo gudbiyo Qorshihii Maayaradu ugu talo galeen Fagaareyaasha, khayriyadaha, eek u xusan xeerka Hab-dhaqanka Xisbiyada qaybtiisa koowaad Qodobka 23 aad.

E. Komishanku ha ku soo daro, Lifaaq ka hadlaya TV-ga Dawlada oo markii xeerka Hab-dhaqanka la samaynayey aan jirin. Xeerku waxaa uu qeexay markii hore Radio Hargeisa iyo Maandeeq oo kaliya dhinaca warbaahinta Dawlada.

F. Komishanku waa inuu soo dhameeyaa shaxaha iyo Lifaaqyada 5-ta ah, eek u xusan xeerka Hab-dhaqanka Xisbiyada. ( Eeg Qodobka 12aad Faq. 6aad iyo 7aad, Qodobka 2aad, adeegsiga Warbaahinta Dawlada )

8. Afarta Qof ee hoosku Magacaaban, waxaa xidhay Guddiga Nabad-galyada ( Xukunka degdega ah ) ee Gabiley iyaga oo u ololaynaaya Xisbiga KULMIYE, waxaana loo Gudbiyey Xabsiga Gabiley ee dhexe.

Cabdi Cute Warsameb. Mohamed Muuse Shiilc. Mohamed Aden EGAL ( Wada yare)
Mohamed Abdi Diiria (Oday). Axmed Cumar Gadiid.

LABADA XISBI

KULMIY iyo UCID

No comments: