Saturday, August 13, 2005

BANNAAN-BAXYO SHALAY KHAMIISTII KA DHACAY MAGAALADA DACAR-BUDHUQ

Guud ahaan ganacsigii magaalada Dacar-budhuq ayaa albaabada loo xidhay, dadkuna waxay isa soo tubeen laamiga isku xidha Berbera iyo Hargeysa ee marta magaalada Dacar-budhuq badhtankeeda,waxayna wadada ku xidheen dhagxaan iyo taayiro gubanaaya, waxayna ku dhawaaqayeen “ UDUB iyo Xukuumadeeda doonimayno”, Waxaa ilaa shalayba ay dadweynahaasi xanibeen isu socodka gaadiidka isaga gooshaya gobolada Bari ee dalka iyo kuwa galbeed , sidaasi waxa Somaliland Future u sheegay qaar ka mid ah weftigii ka koobnaa Xukuumada, Asxaabta, iyo Komishinka Doorashooyinka qaranka ee beryahanba ku maqnaa dhinaca Gobolka sool oo shalay galabtii soo maray Magaalada Dacar-budhuq, iyagoo ka soo laabtay hawshii ay ku maqnaayeen.

Sida warar xogogaal ahi sheegayaan , gadoodka shacbiga reer Dacar-budhuq waxa uu ka dhashay, kadib markii ay xukuumadu ku warghelisay inaysan ahayn Degmo Buuxda , balse ay codkooda ku tiring doonaan Degmada Cadaadlay, arrintaas oo ay cadho xoogleh ka muujiyeen dadweynahaasi.

Dhinaca kale wararkale ayaa sheegaya inay dadweynahaasi ka biyo diideen kororsiimada uu Madaxweyne Daahir Rayaale kordhiyey , ama Dib u dhigay mudadaii ay Doorashadu dhici lahayd.


Si kasta ha ahaatee, waxaa wararku sheegayaan in dadweynahaasi ka ka biyo diideen hadalo ka soo baxay wefti maalintii shalay halkaasi tegay oo uu hoggaaminaayey Gudoomiyekuxigeenka Badhasaabka Gobolka Hargeysa Cali cawil Cabdi, iyo taliye Xigeenka Qeybta Booliiska Gobolka Hargeisa, kuwaas oo ay dadweynuhu ka xanaaqeen hadaladii ay kula hadleen.


Somaliland future online

No comments: