Wednesday, August 10, 2005

Doorashadii Baarlamaanka Oo Dib Loo Dhigay

Hargeisa (SL.Org) Madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland, Md Dahir Rayala Kahin ayaa maanta soo saaray warsaxaafaded uu dib ugu dhigayo doorashada baarlamaanka Somaliland ee loo qoondeeyey inay qabsoonto 15ka bisha September 2005. War saxaafadedkaas oo uu ku saxeexnaa af-hayeenka madaxtooyadda Somaliland, Md Cabdi Idris Ducaale waxa uu u qornaa sidatan:

Madaxtooyada JSL

10/08/2005

Warsaxaafadeed:

Waxa maanta soo gaadhay xafiiska Somaliland TV Europe ee Hargeysa warsaxaafadeed uu soo saaray afhayeenka madaxtooyada oo sheegayay in doorashada dib loo dhigay muddo laba toddobaad ah Warsaxaafadeedkaas oo uu ku saxeexnaan afhayeenka Madaxtooyadu waxa uu u qornaa sidan: -

Madaxweynaha JSL mudane Daahir Rayaale Kaahin, ayaa maanta soo saaray xeer Madaxweyne No. 089/082005, oo laba toddobaad lagu kordhinayo wakhtigii hore ee qabashada Doorashada Golaha Wakiilada JSL, ka dib markii uu helay codsiga Komishanka Doorashooyinka Qaranka ee wax ka bedelka cayimidda wakhtiga doorashooyinka Golaha Wakiilada JSL.

Waxaanu xeerkaasi odhanayaa: -

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland

Markuu arkay: Qodobka 90aad ee dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland
Markuu arkay: Qodobka 42aad ee Dastuurka JSL
Markuu helay: Soo jeedinta komishanka Doorashooyinka Qaranka ee wax ka bedelka cayimaada wakhtiga doorashooyinka Golaha Wakiilada JSL oo ahaa 15 September 2005, in laga dhigo 29 September 2005, kuna beegan maalinta Khamiista oo ku aadan 25-ka bisha Shabcaan ee Hijriyada.

Wuxuu Soo saarayaa Dekreetadan oo lagu baahinayo dhaqan galka CAYIMAADA WAQTIGA DOORASHADA GOLAHA WAKIILADA JSL in la qabto 29 September 2005 kuna beegan (Maalin Khamiisa) oo ku aadan 25ka bisha Shabcaan ee Hijriyada.

Allaa Mahad Leh
Cabdi Idris Ducaale

No comments: