Saturday, August 13, 2005

MADAXWEYNE DAAHIR RIYAALE OO MAGACAABISTA AAD U XIISAYNAYA faallo Sooyaal. com

Madax weynaha jamhuuriyada somaliland daahir riyaale ayaa tan iyo markii uu kursiga madaxweynanimada dhexlay, ka bacdi geeridii madaxweynahii hore maxamed xaaji ibraahim cigaal bilaabay magacaabis badan oo joogto ah marka laga tago magacaabida masuuliyiinta dawlada oo noqday kuwii ugu tirada badnaa uguna tayada xumaa, ayaa waxaa uu magacaabay wasiiro ku xigeeno badan iyo wasiiro dawlayaal aad u tira badan.

Arintu si kasta ha ahaatee ,waxaad mooda laba mid uun inay tahay mida koowaad oo ah in kalsoonila,aanta iyo culayska miisaankan kursiga leeyahay oo madaxweynuhu aqoonteeda lahayn inuu ku kalififayo amuurtan
Ta labaad ayaa waxay iyana tahay barasho madaxweynuhu baranayo magacaabista iyo adeegsiga kelmedaha digreeto madaxweyne,oo dhadhan badan
kuwaasi oo keenayin madaxweynahu wiig walba uu magacaabo masuuliyad kala duwan oo qaar afishaal ah iyo qaar qarsoonba leh ,weliba kuwa qarsoon ayaa aad iyo aad u badan oo maalin kastaba uu magacaabo

Madaxweynaha ayaa waxaa uu magacaabay inta la ogyahay la taliyayaal aad u tiro badan oo dhinacyo kala duwan kuwaasi oo isugu jira qaar toosa iyo qaar dadbanba.
warar aad loogu kalsoon yahay ayaa waxay sheegayaan in madaxweyuhu uu leeyahay xataa la taliyaha xaga murqaanka oo kala taliya xaga qaadka iyo hadba ka qoyan
arimahan iyo qaar kale oo badan marka laga tago ayaa waxaa madaxweynuhu uu xil u magacaabta shaqsi kasta oo uu isleeyhay wax ayuu tari karaa cimri dhererka xukumadiisa fadhidka ah dabcan marka aad doonayso inaad waxa anaad aqoon u lahayn inaad xal u hesho waa in aad hesha dad aqaan ficab u leh.

Oo nabad iyo caano wixii aan ahayn waa la kala qaadaaye aad kaga dayato habka maamul iyo milgaha dawladniimo , laakiin nasiib daro may dhaciin taasi ee mudanahu waxaa uu uruursaday xeradayadu waa wada ul oo ul la qaato malaha .
Guntii iyo gababagadii waxaan leeyahay madaxweyne daahir riyaale waxaa kuu dhiman inaad magacwdo islaantii laydh qabow iyo ninkii iyo iyo oo xukumadaada wax ku soo biirin kara ,xigmad iyo mushxarad labadaba.

wabilaahai tow fiiq
garaad c/risaaq cumar xasan
hargaysa somaliland

Source:Sooyaal

Posted

No comments: