Wednesday, August 10, 2005

Golaha Guurtida Oo Baaq U Jeediyey Xukuumadda, Xisbiyada Iyo Komishanka Doorashooyinka

Hargeysa (SL.org) – Golaha Guurtida Somaliland oo Sabtidii bilaabay kalfadhigiisii 27aad ayaa shalay soo saaray Baaq ay u jeediyeen Xukuumadda, Komishanka Doorashooyinka, Xisbiyada, musharaxiinta iyo dadweynaha guud ahaan Somaliland.

Baaqan oo ku aadan doorashada Golaha Wakiillada ee loo muddeeyey inay dalka ka dhacdo bisha September 15keeda, waxa uu ka soo baxay qodob ka mid ah ajandaha Golaha ee Kalfadhigan, kaas oo ku saabsanaa doorashada iyo saamaynta ay ku yeelan karto nabadgelyada.

Golaha Guurtidu baaqiisa, waxa uu xukuumadda u soo jeediyey in loo sinnaado hantida qaranka iyo isticmaalkeeda, ayna ka fogaataa wax kasta oo keeni kara madmadow iyo shaki xukuumadda loo aanaynayo.

“Gobolada iyo Degmooyinkana waa in la faraa masuuliyiinta xukuumadda u joogta inay dhex u ahaadaan xisbiyada iyo musharaxiintoodaba,” ayuu yidhi baaqa Golaha Guurtidu.

Guurtidu waxay baaqooda ku sheegeen in Komishanka Doorashooyinku uu yahay garsooraha tartanka doorashada, isla markaana uu leeyahay awoodda socodsiinta hawlaha doorashada. Sidaas darteed, waxa Guurtidu ugu baaqday inay ilaaliyaan masuuliyaddaas.

“Komishanka Afkiisa waxa ka soo baxaa waa inuu ahaadaa mid sharciyad iyo qodobo sharci ah waafaqsan. Mana aha dad caadi ah oo iskaga hadli kara aragtida qof waliba uu qabo,” ayuu yidhi baaqa ka soo baxay Guurtidu.

Waxana uu intaa ku daray, waa inay mar walba u muuqdaan dhexdhexaad, waana inay u xulaan goobaha codbixinta iyo xafiisyada gobolada iyo degmooyinka dadka ay u maleeyaan inay yihiin xilkas iyo daacad.

Xisbiyada siyasaddana waxa Golaha Guurtidu ugu baaqay in ay iska ilaaliyaan wakhtiga ololaha doorashada waxkasta oo wax u dhimaya amniga iyo nabadgelyada guud, dadkana ay u soo bandhigaan ahdaaftooda iyo barnaamujyadooda siyaasadeed.

Sidoo kale, musharraxiinta ayay ugu baaqeen inay u tartamaan si sharciga waafaqsan, musharrax kastaana uu ku talagalo inuu helo iyo inuu waayoba.

“Haddii tartamuhu uu goonni isu siiyo wax rag ka dhexeeya waxaa ku adkaan doonta aqbalaadda natiijada,” ayuu yidhi baaqa Golaha Guurtida.

Dadweynaha Somaliland guud ahaan ayaa baaqan Golaha Guurtidu waxa uu u soo jeediyey inay feejignaan dheeraad ah yeeshaan wakhtiga doorashada; kana fogaadaan ficil kasta oo nabadgelyada wax yeelaya. Waxay guurtidu u soo jeedisey dadweynaha in qof waliba uu si qarsoodi ah codkiisa u siiyo qofka ama xisbiga uu doonayo, balse aanu ku kicin wax nabadgelyada xumaynaya.

Saxaafadda ayaa iyana Guurtidu ugu baaqday inay sheegaan wixii jira, balse aanay xadkeeda dhaafinin.

Cabdirisaaq M. Dubad, Hargeysa.

No comments: