Sunday, August 14, 2005

Goodir Waa Inuu Is Casilaa, Haduu Diidana, Shaqada Laga Eryaa

Waxa aan shalay Radio Horyaal ka dhegeystay iyada oo xubin ka mid ah Komishanka qaranka magaciisana la yidhaahdo Axmed Maxamed Goodir la waraysanayo oo uu qiranayo in uu u ololeeyey murashax beeshisa ka soo jeeda oo u taagan dorashada baarlamanka.

Hadaba waxa wax lala yaabo ah iyada o uu Mudane Goodir ku dooday in uu xaq u leeyahay inuu u ololeeyo oo fikirkiisa ka dhiibto xubinta beeshisa u taagan. Runtii waa nasiib darro hadalkan foosha xun ee kasoo yeedhay masuulka qaran. Waxa taa kasii daran masuulka oo u muuqda mid aan garanayn waajibadka saaran iyo xilka saaran toona.

Mudane Goodir waxa uu qirtay in uu beeshiisa shiriyay isaga iyo wasiirka warfaafinta oo wada socda, kuna guubaabiyey beeshisa inay u codeeyeen murashaxa UDUB ka taagan. Haddaba Mudane Goodir isaga oo ah xubin koomishanka qarana ka tirsan marka uu olalaha doorashada galo oo laba murashax kala raaco, miyaanu denbi qaran gelin.

Waxa jira laba xubnood oo beesha Goodir kasoo kala jeeda oo labada xisbi ka sharaxan. Sidaas darteed, xubinta kale e beeshisa kasoo jeedaa ee ka sharaxan xisbiga KULMIYE, miyaanu mudane Goodir danbi ka gelin; xubintaasi'se miyaanay xaq u lehayn in ay kalsooni darro ka muujiso dhex dhexaadnimada Goodir, mar haddii uu qiranayo inuu beeshisa ku guubabiyay inay doortaan xubinta UDUB?

Waa in si deg deg ah u isu casilo Mudane Goodir, haddii uu taas garan waayana xilka looga xayuubiyaa inta aanay ceebtan doorashada saameyn ku yeelan.

No comments: