Tuesday, August 30, 2005

KOMISHINKA DOORASHOOYINKA OO SHALAY KU DHAWAAQAY XILLIGII OLOLAHA DOORASHADU DHACAYSEY


U Qeybsanaha Komishinka Doorashooyinka Qaranka Ilaalinta Jadwalka Doorashada ,iyodiyaarinta Goobaha Codbixinta Mudane Axmed Aden Cali (Goodir), ayaa maalintii shalay ku dhawaaqay in ololihii Doorashada Golaha wakiilada ay furmayso manta oo ay bishu tahay 30/8/05, taasoo socon doonta muddo 30 cisho oo ku eekaan doonta 27/9/05.

Mudane Goodir waxa uu kula dardaarmay Asxaabta iyo musharixiinta inay ilaaliyaan nabadgelyada iyoxasiloonida ,oo ay dhawraan shuruucda Doorashada Golaha wakiilada iyo code of coduct-yadii laysla qaatay.

Waxa kaloo ay saxaafadda kula dardaarmeen inay iska ilaaliso wararka keeni kara isku dhac ku yimaada doorashada iyo ololaheeda.

No comments: