Sunday, September 25, 2005

AGAASIMAHA GUUD EE WASAARADA MAALIYADA AXMED DA'UUD OO BADALAY DHAMAAN SHAQAALIHI KASTAMKA SAYLAC!

Agaasimaha Guud ee wasaarada maaliyada somaliland Axmed Da'uud ayaa wareegto uu soo saray ku bedalay dhamaan shaqaalihii kastamka Saylac waraar aad loogu kalsoon yahay ayaa xaqiijinaaya in sababta loo badalay wakhtigan xaadirka ah ay la xidhiidho sidii wadanka loo soo gelin laha waraaqo foorjariya oo la soo mariyo Jamuuriyada jabuuti waraaqahaas oo ku socda gobolka Awdal gaar ahaan magaalo madaxdiisa Boorama.

Mid ka mida shaqaalaha laga soo badalay kastamka saylac oo sheegay in aan magaciisa la sheegin ayaa noo sheegay inay ku war heleen in la badalay uun.iyada oo aan loosheegin meel loo bedalay xitaa.

mar aanu wax ka waydiinay sababta kaliftay xiligan in la bedalo iyada oo loo diyaar garoobaayo doorashadii baarlamaanka, ayaa waxaa uu noo sheegay in ay dawladu doonayso shaqaale u daacada oo aan sheegin wixii la soo mariyo kastamka saylac inta doorashadu socoto, sida waraaqaha codbixinta iyo wixii kale ee lagu fulinkaro hawsha dooorashada baarlaanka oo lagu wado in wadanka ka dhacdo 29 Septembere

Dhamaan shaqaalahan oo lagu wargeliyay inay ku soo noqdaan xaruunta dhexe ee wasaarada maaliyada. iyada oo aan wali loosheegin meel loo bedalay iyo in la eryay toona.

Lasocda wixi wara ee ka soo kordha warkan anaga oo maanta waraar is daba jooga ah idiin soo gudbin doona.

No comments: