Sunday, September 25, 2005

Doorashooyinka gobolka Awdal oo ay xukuummadda Riyaale ula dagaallamayso si qarsoodi ah.


Doorashooyinka gobolka Awdal oo ay xukuummadda Riyaale ula dagaallamayso, si qarsoodi ah .
Warar isdaba joog ah oo naga soo gaadhaya xubnaha doorashada kaga jira Gobolka Awdal iyo taageerayaashooda ayaa sheegaya cabashooyin ay u soo jeedinayaan maamulka xukuummadda Riyaale, oo ay ku eedaynayaan, in uu ka wado hawlo argagixiso oo ka dhan ah xisbiyada mucaaridka ah iyo dadka u ololaynaya.

Haddaba wararkii ugu dambeeyey ayaa naga soo gaadhay maamulka xisbiga UCID ee gobolka Awdal iyo Degmada Dilla, waxana uu sheegayaa in ay dawladdu xidh xidhay musharrixiintii iyo madax sare oo ku jirtay xisbigaasi. Musharraxa iyo duqa illaa iyo immiga la noo soo sheegay inla xidhayna waxa ka mid ah: Musharrax… Muuse X.Maxamad Ismacil, oo lagu wado in uu helo aqlabiyadda gobolka awdal. Iyo Cabdillaahi Sh. Ibraahim oo ku magac dheer Cabdillaahi-Sanco oo ahaan jiray Kornayl Millatari, immigana u ololaynaya UCID.

warqadaha foodka ah oo hore loogu qaybiyey asxaabta si ay dadka u baraan codayntu sida ay u dhacayso ee warqadaha loo isticmaalayo. Hase yeeshee dad u hadlay shaqsiyaadka arrintaa loo xidhay waxa ay leeyihiin, ‘ way jirtaa in aan soo KOOBIYEYNEY waayo waa la nagu yareeyey. Tirada ay bilaysku sheegeen in ay maddaarka ku qabteenna waa mid run ah, mana aha wax aanu ugu tala gallay in aannu musuq maasaq samaynay. Laakiin awalba dawladdu hore ayey noo maaganayd. Shacabkayaguna marnaba ma siinayo wax cod ah xisbiga talada haya ee UDUB. Haddii ay cunufka ay ku dhaqmayaan ay joojin waayaanna waan naqaannaa sida aan yeelayno.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, waxa iyana arrintaa kuwo la mid ah laga soo sheegayaa, goobo kale oo galbeedka Awdal ah. Habka saami qaybsiga oo aan lagu qanacsanayna waa mid iyana baryahanba la hadal hayey. Dadyawga la rabo in killilka shanaad laga soo daadgureeyaanna waa mid ay dawladdu u sii diyaarisay gaadiidkii fulin lahaa arrintaasi. Xisbiyada mucaaridka ah iyo hay’ aadka caddaaladduna indhaha ayey ku hayaan. Waxana laga cabsi qabaa in ay mashruucaasi isku dhac ka yimaaddo.

Arrimahaasi iyo kuwo badan oo is huwan ayaa ay xukuummadda iyo xisbiga talada hayaa uu ku majaro habaabinayaa, doorashada iyo sidii ay caddaalad ugu qabsoomi lahayd.
Hadal iyo gabagabo, doorashadani u dhici mayso sidii tii Madaxweynaha.

Haddii qalad yari soo galana waxa xukuummadda laga sugayaa in ay is casisho.
Haddii ay sidaa yeeli waayaanna xisbiyada mucaaridka ahi waxa ay xukunka ula wareegayaan si dastuuri ah oo wada jir ah. Si ay U badbaadiyaan qarannimada dalka Somaliland. Madaxda dawladda iyo xukuummadduna waxa ay hor iman doonaan sharciga.

Ahmedwali Goth

UK

No comments: