Sunday, September 25, 2005

Wadaado-ku Sheeggu Waa Cadowga Somaliland

Guled Ismail — London, UK — 24 September, 2005

Sidaynnu ognahay waxaa shalay la qabqabtay niman dowladdu ku tilmaantay inay yihiin Al-Qaeda oo lagu eedeeyay inay abaabulayeen argagixiso ay ku qasaan doorashooyinka baarlamaan ee dhici doona 29ka bishan.

Weli lama hubo waxa ka jira eedeeynta Al-qaacida ee dowladdu ku sawaxday waxaase la hubaa mid: Wadaado-ku sheeggu waa daabuurka shanaad ee u shaqeeya cadowga Somaliland.
Waxaynnu diinteenaa Furqaaan iyo Samxaa haysannay 1200 oo sannadood weligeenna maynnu arag waxa ay nimankani maanta ummadda ka dhex wadaan oo kale.

Bal aynnu eegno siday cadow ugu yihiin qaranimadeenna, dhaqaalaheenna iyo dhaqankeenna Soomaaliyeed ee soo jiraaga ah. Aan ku bilowno cadownimadooda qarannimo:

1. Bacdamaa ay nimankani yihiin niman wata Salafka reer Cabdiwahaab ee Sacuudiga ma aaminsana wax la yidhaahdo Soomaliland, xataa Soomaaliya ee waxaa mabda’oodu ku saleysan yahay `Ummah’ Muslin oo dhammi hoos yimaado oo laga xukumo Riyadh.

2. Waxay isku xidhan yihiin Al-itixaad iyo ururada kale ee Soomaaliya deggan oo dhamman raba burburka Somaliland.

3. Waxay ka shidaal qaataan oo laga xukumaa Sacuudiga oo ka mid ah cadowyada caalamiga ah Soomaaliland kuwa ugu daran. Dalkan sharku deggan yahay ee hamajka ah ee Muslinnimadu ka fogthay waa ka isku deyay inuu cunaqabateyn dhaqaale dadkeenna iyo dalkeennaba ku sirir bakhtiiyo. Waa dalkii markii aynnu afweyne la dagaalmayanay maalmihii ugu xumaa soo raafay boqolaal reer Soomaliland ah ee gacanta afweyne geliyay si aanay taageero ugu geysan halgankii nolol u dirirka ahaa(existential) ee aynnu wadnay.

4. Ugu dambeyn iyagaa ka dambeeyay ku qoridda tash-hiidda calankeena taasoo dunida qaarkeed u arkaan muujin mutadarrifnimo oo aan marna caawinanyn doonisteenna aqqoonsani. Waar yaa inagu haysta Muslinnimadeena oo aynnu ugu fanaaneynaa? Waar 55 dowladood oo la aqoonsanyahay ayaa Muslim ah. Inteebaa takbiiri calanka ugu qoran tahay? Aan eegno: Sacuudi, iyo Ciraaq oo saddam xuseen oo uu Homer Simpson Muslinnimo uga dhowaa ku qoray markuu sii bkhtiyay si uu caadifad uga helo dadka Muslimiinta ah. 53ka kale waddaninimadooda iyo halgankoodii xorriyadeed ayaa calankoodu muujiyaa. War yeynnu uga dheeraynaynaa muslinnimada markaynnu takbiir iyo tash-hiid afka la kala waaxayno oo calankeenna ku qoranayno? Waa cadddahay cidda ka dambeysay: Waa cadowga Somaliland ee Ilma Sacuud iyo wixii la hal maala.

Aan u gudubno siday cadow ugu yihiin dhaqaalaheenna:

1. Ma oggola in Baanan bixiya deyn furmaan. Sideed dunida ula tartami oo maalgelin u dhiirri gelin haddii aanad oggolayn inaad ku biirto hab-dhiska lacageed ee dunida ka jira?

2. Ma oggola in siyaaxadi bilaabanto waayo waxay saskii aabahood Carab Sacuud ka qabay ka qabaan waxyaabaha khatarta ah sida dad maryo gaaban ku dabbaasha amay habeenkii xoogay khamro ah ku cabban hudheelkooda. Intaanad dhawaaq ku dhufan bal aan eegno walaalaheenna kale ee Muslimka ah: Immisa dal oo Muslin ah yaan loo oggoloyan Khamri cabbid? Sacuuudi, Iran, Libya. Mar labaad yeynnu uga dheeraynaynaa Muslinnimda? Waar marka 53 dal oo muslin ihi oggol yihiin in wixii xaraan cabbaya ilaahooda loo daayo oo faraha laga qaado maxaynnu innagu kaga duwannahy? Ma Masar iyo Maghreb iyo Suuria iyo Sham iyo Jassair ayeynnu Muslinnimo ka xignaa?

3. Bacdamaa ay wadaado-ku sheeggu xukumaan ilaha is-gaadhsiineed ee dalka waxay diideen in internetka laga sii daayo waxaan aheyn xadiis Salafi ah. Taasi waxay macalimmiintii iyo ardeydii iyo dadweynihii u diiday fursad ay ku biiran jidweynaha aqooneed ee dunidu ku mushaaxdo internetka.

4. Ma oggola in dumarku shaqeystaan ama xataa wax bartaan ee waxay rabaan inay guryaha ku xidhaan. War ummad dunida hore u martay iyadoo dadkeedii 50% ka saartay dhaqdhaqaaqa dhaqaale halkee lagu arkay?

Aan eegno xagga dhaqan:

1. Waxay soo saareen in marwooyinkii Somaliland ee saddex qeyd iyo boqor iyo timaha oo ay tidicdaan kumanaan sano dhaqan u ahaa ay shubbad laga sameeyay maryo shiidka u liita ee u foolxun ah oo aad mooddo maryaha daaqadaha foqoroda Baluushtu ku deddan ayey ku qasbeen. Waa wax aanay ab iyo dhaqan iyo hiddo u lahayne markaasaad mooddaa muttuleyaal xarakeysan oo aad markay shaaracyada dunida ku aragto ka khajileysaa aragooda bahdilan. War miyaanay ayeeyooinkeen iyo hooyooyinkeen oo weligood saddex qeyd iyo guntiino iyo masar iyo garbassar iyo diric xidhnaa muslimaat aheyn? Ma kuffaar bey ahaayeen? Goormay Muslinnimo iyo dhaqan Sacuudi isku mid noqdeen? Waar ,maxaa raggan waaweyn ku wareejiyay inay ka daba shaqeeyaan maryaha dumarka?

2. Ta sare arrin aad u weyn ma aha. Ta u darani waa tan: Waxay dagaal kula jiraan aqoonta iyo fanka . Ma oggola theatre iyo hees iyo cayaar iyo farshaxannimmo. Ma oggola muusik ama sawir. Xataa televishnak in lage heeso ma oggola. War miyeynaan aheyn dadkii weligood ab iyo isir u lahaa “soddohey gabadha soo daa” iyo battar iyo hees iyo gabay hirwo, balwo, saylici, dhaanto iyo hees? Awooweyaasheen miyaanay Muslimiin aheyn markay hablaha habeenkii la boodayeen?

Sidaa darted waa waajib qarannimo oo somalilandnimo in diinteenii aynnu weligeen haysannay kusoo laabanno oo iska difaacno nimankan Sacuudigu inoo soo irgistay si u baabiyaan wax kasta oo aynnu qiimo, qayo iyo qarannimo u lahyn.

Wassalama aleykum wa raxmatullahi wa baraktuhu

No comments: