Cismaan Abokor — London, UK — 1 October, 2005
Maanta waxa shacbi weynaha Somaliland u dareerayaan doorashadii ugu horeysay ee baarlamaan ee ka dhacda Jamhuuriyadda Somaliland marka laga reebo tii xorriyadda ee la qabtay 45 sano ka hor. Haddaba maqaalkeenan waxa aynu ku eegaynaa muuqaalka uu lahaa ololihii doorashada ee soo socday 30kii maalmood ee la soo dhaafay, inaga oo maaddaama aynu ku jirro tirintii codadka aan isku badinayn ee soo qaadanayna 10kii arimood ee ugu la yaabka badnaa!
1) Mawjado Nidaamsan:Intii uu socday ololaha doorashadu waxa la yaab lahaa bisyalka dadka reer Somaliland, waxa isu soo baxayey maalmaha dhoolla tuska kumanaan qof oo yar iyo weynba leh iyo gaadiidkoodii, dadkaa isu soo baxayey waxa lagu tilmaami karayey mawjado qul-qulaya. Waxase la yaab lahaa sida heerka sare ah ee ay u habaysnaayeen mawjadahaasi, ma jirin xisbi xasaradaynaya xisbi kale, qofna ma eegayn qof kale xitaa haddii uu ku joogsado, waxaadba moodaysay sidii dad soo galay 100 doorasho oo hore.
2) Guri Baarlamaan ah:Waxa aan ku arkay magaalada la yidhaahdo DHAYNTA oo u dhaxaysa Hargeysa iyo Ber-Bera guri keli ah oo ay wada sudhan yihiin calamada saddexda xisbiba, sababta oo ah dadka guriga ku wada nool oo saddexda xisbiba ka wada tirsan, markii aan weydiiyey waxa la ii sheegay in odayga reerku KULMIYE yahay, Islaantuna Udub tahay, Inanka reerka ugu weynina Ucid yahay, reerka intiisa kalena kala raacsan tahay saddexdooda, markii dambena lagu heshiiyey in qofba calankiisa guriga baal ka taagto. Dabadeed gurigii wuxu noqday guri baarlamaan oo kale.
3) Xisbinimo XididaysatayWaxa aannu isu taagnay jidka u dhexeeya Gebilay iyo Hargeysa nin oday ah oo lugaynaya kuna socda Arabsiyo, markii uu noo sheegay degaanka uu u socdo ayaan si kaftan ah ugu idhi soo fuul gaadhiga aad KULMIYEna codka siiside, intuu si xushmadi ku dheehan tahay isu taagay isaga oo kaftankaygii run mooday yidhi waar adeer nin weyn baan ahay oo been idiin sheegi kari maayee xisbi baan ballan u qaaday haddii aad iga tegaysaan iyo haddii aad I qaadaysaanba, anigu Ucid baan codkayga u ballan qaaday” adeer waan kula kaftamayey ayaan ku idhi ee miyaanad arkayn in aannu adiga isu kaa taagnay, laakiin waad ku mahad san tahay in aad codkaaga siinayso xisbiyada mucaaradka ah ayaan ku idhi”. Runtii taasi waxa ay muujinaysay sida xisbinimadu uga xididaysatay Somaliland.
4) Masrax SiyaasadeedMakhaayadaha waaweyn ee Hargeysa fiidkii waxaad moodaysay in koobkii kubadda cagta ee Adduunka lagu daawanayo, dabcan waa koobkii siyaasadda, waxa la kala taageerayay musharixiinta, waxaana loogu kala sacabinayey sida ay u kala hadal yaqaansan yihiin (presentation). Tusaale ahaan waxa habeen ka mid ah habeenadii kaambaynku ugu kululaa anaga oo fadhina kafateeriyaa Caddaani ee Hargeysa lagu soo dhaweeyey shaashadda T.V-ga musharaxa Axmed Maxamed Diiriye (Nac-Nac) oo kamid ah musharixiinta ugu xoogga badan xisbiga KULMIYE ee gobolka Hargeysa, musharaxu aad iyo aad ayuu u xaragoonayey, waxa la weydiiyey waxa ku kellifay in uu is sharaxo, waxaanu yidhi:
“Anigu waxaan ka mid ahaa raggii khaliijka ku noolaa, dalkan halgan qadhaadh baannu ku xoraynay, sanado badan ayay carruutayadu soomanayd oo mushaharkayaguna ahaa shiidaalka siikaawaha ka dagaalamaya gudaha dalka, markii aannu is nidhi waydinkaa dalkii xoreeyey ee haddaba iska xoogsada ayaa war dhiillo lihi noo yimi oo la yidhi dalkii YEY diirato ah ayaa qabsatay, nasiib haddaad leedihiin waa haddii aad lafaha ka gaadhaan, sidaasaan dalka u imi, isuna sharaxay, kolkaas haddii dalkan Ilaahay jiritaan la damcayna wuu noo dhiibi, dee haddii Rabbi la dambcay in uu sidaa ku baaba’ona waannu waayi oo waa qaddar Eebbe”
Intaa markii uu yidhi Musharaxa Nac-Nac ayaa sacab iyo sawaxan lala oogsaday, iyada oo dhalinyaradu leh waa runtii, waa runtii, waa runtii, runtii barnaamijyada noocan oo kale ahi wuu kuwii ugu horreeyey taariikhda siyaasadda Soomaalida.
5) Isbahaysiyo Cusub, Waddooyin Cusub, iyo Suugaan Cusub
Ololihii doorashada waxa ku midoobay beelo iyo degaanno aan markii hore dadka iska xigin, laakiin doorashan ku mataanoobay oo dan siyaasadeed isu keentay, waxa kale oo ku kala fogaaday qaar isku bah ahaa ama dadka iska xigay ololaha ka hor, habdhaqanka noocan ahi isna waa mid ku cusub taariikhdeenna siyaasadda. Waxa kale oo musharixiintu tagtay meelo ay yarayd ololaha ka hor in cidi tagto tusaale ahaan waxa aan arkay siyaasiyiin ka soo ololeeyey Shal-caw, Ruguuda, Beeyo Dhaadheer, Caana Madoobe, Cali Jaamac, Doombiraley, Bullo Xaar, Lughaya, Awaare, Qararo IKM. Waxa kale oo dadku bartay heesaha cusub ee xisbiyada sida heesta KULMIYE ee ah: Maalmihii kululaa kuwii noo kecee, kaalintoodii galay ee ku nasiib lahaa, ha kadsoominee kulansiiya oo KULMIYE, KULMIYE, KULMIYE, KULMIYEynu nahay. Iyo heesta udub ee tidhaahda Aaabihii ummaddeena iyo aasaasihii Somaliland inagu Udub baynu nahay.
6) Ciyaar Soomaali Casar kasta joogtaIntii ololuhu socday waxa degaanno badan oo ka mid ah Somaliland ku soo kordhay jaan-dheertii iyo hanna haybsantii la illaaway taasoo guryaha musharixiinta hortooda looga goleeyo galab kasta, xataa magaalooyinka qaar laamiyada waaweyn la isla soo taago.
7) Laba Jir XisbiyaysanWaxa aan ku arkay xaafadda TAWALI ee Burco 2 jir xisbiyaysan oo sita calanka Xisbiga KULMIYE kuna hadaaqaya Tulmiyeynu nahay, tulmiyeynu nahay.
8) Kulaalkii BurcoIsku habeen ayay madaxweynaha iyo madax weyne ku xigeenkiisa midna seexday Oodweyne, ka kalena seexday Qoryaale, labaduba isku saacad ayay subaxnimadii dib uga noqdeen oo midna Hargeysa ku noqday, midna Hawd ku noqday iyaga oo aan soo gelin Burco oo ay ku nool yihiin boqolaal kun oo qof, dabadeedna waxa la is weydiiyey waxa ay sidaa u yeeleen dadbaa yidhi waa siyaasad xeel-dheer oo fog, dadna waxay yidhaahdeen waa aqoon darro qota dheer oo fog, dadna waxay yidhaahdeen waa faal gun dheer oo fog.
9) Jees JibbaysanMar aan Hawd u baxay waxa aan ku arkay kayn cidla ah dhexdeed jees keli ah oo yaalla oo doorashadu madax martay, waxay sudheen calanka KULMIYE buulkii yaraa dushiisii, waxay mid kale ka taageen xerada adhiga dhabarkeeda, calan yar oo kale waxay ka taageen gel-gelinta awrta, runtii waxa ay ahaayeen jees cidla yaalla oo haddana iskii u jibbaysan.
10) Eray Bixin CusubOlalaha doorashada waxa ka dhashay eray bixin cusub oo aan hore loo isticmaali jirin maalmihii doorashadana noqday erayada ugu badan ee la isticmaalo, tusaale ahaan waxa ka mid ah erayadaa: Buur buu ka daba Ka dalooli Xisbi Annaay ahMusharax Waraabe U taag ah Jugley baa gaadhiga ii saaran Kaayagu waa Jabaan Ka cunoo ka codee iyo qaar kaloo badan, oo aanad fahmaynba Ilaahay doorashadan ha inooga dhigo tii dalkeenna u horseedda horumar iyo tisqaad
cismaanabokor@yahoo.com
No comments:
Post a Comment