Saturday, September 24, 2005

Madaxweyne Riyaale Oo Ka Maarmay Saxaafadda Madaxa Bannaan Shir Jaraa'id Oo Uu Maanta Qabtay


Somaliland.Org — Hargeisa, Somaliland — 24 September, 2005
Hargeysa (SL.Org) – Suxufiyiinta Saxaafadda madaxa bannaan ee Somaliland ayaa dibadda looga saaray shir jaraa’id oo uu Madaxweyne Riyaale maanta ku qabtay xafiiskiisa Madaxtooyada.

Weriyayaal ka kala socda Wargeysyada Jamhuuriya iyo Haatuf, Telefishanka Madaxa bannaan ee Somaliland tv iyo Radio Horyaal ayaa loo diidey inay galaan shir jaraa’id oo uu Madaxweynuhu qabanayey, iyada oo loo ogolaaday Wargeyska Dowladda ee Maandeeq, Telefishanka Madaxtooyada laga xukumo ee dowladda, Radio Hargeysa, weriyaha BBC-da laanta Afsoomaaliga iyo wakiilka Reuters, BBC-da Focus on Africa iyo weriye ka socda AFP.
Weriyayaasha saxaafadda Madaxa bannaan ee Somaliland oo ay si adag u baadheen ilaalada kala dambaysa ee madaxtooyadu ayaa ugu dambayntii dib looga soo celiyey albaabka xafiiska Madaxweynaha; waxaana loo sheegay in aan loo ogolayn shirkaas jaraa’id.

“Afhayeenka Madaxtooyada, Cabdi Idiris ayaa dib ii soo riixay; wuxuuna igu yidhi joog, idinka la idiinma baahnee,” sidaa waxa yidhi Cabdulfataax M. Caydiid oo ka socdey Wargeyska Haatuf.
Waxana uu sheegay in Cabdi Idiris uu wadajir ula hadlay isaga iyo weriye Raambo oo ka socdey Jamhuuriya.

“Markaan weydiiyey sababta wuxuu yidhi shirka jaraa’id waxa loo qabanayaa warbaahinta dibadda la hadlaya”, ayuu raaciyey Cabdulfataax.

Weriyayaasha Telefishanka Madaxa bannaan ayaa iyaguna sheegay in masuuliyiinta madaxtooyadu ay dhawr goor u sheegeen inay sugaan shirka jaraa’id oo aan weli diyaar ahayn, balse markii dambe Afhayeenku ku wargeliyey inuu jiro Amar ah inaan la sii dayn Saxaafadda qaarkood.

Shirka jaraa’id ayaa la filayaa in Madaxweyne Riyaale kaga hadlayo hawlgalka boolisku ku qabqabtay dad lagu tilmaamay argagixiso; taas oo ay dadku iska weydiinayaan su’aalo aad u badan.

Intii ka dambeysey markii xukuumaddu furtay telefishanka Madaxtooyada laga maamulo, waxa muuqata in ay dowladdu ka maarantay saxaafadda madaxa bannaan oo ay isku koobtay warbaahinta ay dowladdu gacanta ku hayso.
Xukuumadda ayaa hore uga xakamaysay wararkeeda Idaacadda Madaxa bannaan ee Radio Horyaal.

No comments: