Sunday, October 02, 2005

Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland Ilaa Shalay ayaa waxa ay heleen Natiijadda Cododka Ilaa Hadda La Tiriyay


Hargeysa-(HWN)-Wariyayaasha Hadhwanaagnews oo Dhex Mushaaxayey Xarunta Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland Ilaa Shalay ayaa waxa ay heleen Natiijadda Cododka Ilaa Hadda La Tiriyay.

KULMIYE: 55350 cod shan iyo Konton kun iyo Sadex boqol iyo 50 cod.

Xisbiga UDUB: 35318 (Shan iyo Sodan kun sadex, Boqol iyo sideed iyo Toban Cod.

Xisbiga UCID: 22135 Cod ( laba iyo Labaatan Kun , Boqol iyo Shan iyo Sodon Cod.

Sidaa waxa Noo xaqiijiyay Xubno ka Sare Sare oo ka Tirsan Sadexda Xisbi Qaran iyo Qaar ka mida Muraaqibiinta Gobolka Hargeysa.

Ilaa Imika Inta ay wariyayaashu Noo Soo Sheegayaan Xisbiga Kulmiye musharaxiintooda Ugu waaweyni waxa ay kala Heleen sidan.

Xisbiga Kulmiye Sideeda Nin ee U Horeyay Xagga Cododka la Tiriyay.

1-Dr Ahmed Maxamed Diiriye Nacnac oo cagcagaynata (10'000 )(toban kun oo cod ) Kana Tirsan Xisbiga Kulmiye.

2-Dr Ahmed Nuur Kajaandhe (9'000 oo cod ) Xisbiga Kulmiye waa Labada Nin Ee Ugu Horeyay Xisbiga Kulmiye ayuu ku jiraa Kajaandhe.

3-Ahmed Weyne (8000) (Sideed Kun oo Cod) Xisbiga Kulmiye

4-Dr Cali Yusuf Ahmed ( 7900) Tododba Kun iyo Sagaal Boqol oo cod) Xisbiga Kulmiye

5-C/Casiis Maxamed Samaale (7'000) (todoba Kun oo Cod) Kulmiye

6-Hussein ahmed Caydiid (6'500) (lix Kun iyo Shan Boqol oo cod) Kulmiye

7-Abdi Haybe Muxumed (5'000 ) (shan Kun oo cod) Kulmiye

la Soco labada Xisbi Ee Kale Ragga Ugu Sareeyay..Goordhow ha moogaanina Inshaa allah.

No comments: