Thursday, October 20, 2005

Labada xisbi mucaarid oo durba qeybsaday jagooyinkii ugu sarsareeyey baarlamaanka oo aan waxba u reebin xukuumada talda haysa.

Hargeysa-(HWN)- Labada xisbi mucaarida ayaa doorashadii golaha wakiilda ee dalka ka qabsoontay 29/9/2005 ayaa waxay heleen kuraasta aqlabiyada baarlamaanka cusub ee shacabku soo doortay waxaanay heleen 49 mudane.

Hadaba waxay arintani gilgishay xukuumada talada haysa oo arintan layaab ku noqotay, waxa beryahanba sida laga war qabo aad loo hadal hayey sidee labada xisbi mucaarid sadexda xubnood ee ugu sareeya baarlamaanka ee kala ah gudoomiyaha, gudoomiya kuxigeenka koowaad iyo gudoomiya kuxigeenka labaad.

Ayaa waxa shir ay kaga arinsanayaan labada xisbi mucaarid ay yeesheen sida aanu ilo xogagaala aanu ka helnay ayaa waxay isla meel dhiheen labada xisbi mucaarid inay jagooyink ay u kala qaataan sidan:

Gudoomiyaha uu yeelandoono baarlamaamka cusub waxa qaadan doona xisbiga UCID waxaana noqondoona musharixii ka soo baxay Gobolka saaxil uguna codka badnaa
Mudane :C/raxmaan Ciro


Sida ay wararku nagu soo gaadhayaan in xisbiga KULMIYE-na qaatay labada xubnood ee kala ah gudoomiya kuxigeenka kowaad iyo gudoomiya kuxigeenka labaad sida ilaha ku dhowdhow aanu kahelnay waxay yihiin xubnaha ay xisbiga kulmiye ay u soo taageen jagadaasi waa sidan

Mudane C/casiis samaale iyo Mudane Maxamed Cumar xaashi
Oo aan naloo kala cadayn sida ay u kala qaateen labada jagood, waxa halkaa waxba ku waayey xukukmada madaxweyne rayaale oo sadexdii xubnood ee ugu sarsareeyey ay labada xisbi mucaarid ay kala qaateen.

Wariye: Mustafa Janaale
Hadhwanaagnews: Reporter
Hargeysa, Somaliland.

No comments: