Friday, October 07, 2005

BADHEEDHAHA WARGEYSKA: Dib U Dhaca Natiijooyinka Doorashadu Waxay Qalbi-Jab Ku Yihiin Guusha Shacbiga

Somaliland.Org — Hargeisa, Somaliland — 7 October, 2005

Codbixintii 29 September 2005 ee maalintii Khamiistii waxay ahayd guul u soo hoyatay shacbiga somalialnd oo soo jiidatay indhaha Beesha Caalamka, ka dib markii ay dadka reer Somaliland safaf dhaadheer u galeen doorashadii golaha wakiilada ee taariikhiga ahayd.Waxaana durba soo baxay dhawaaqyadii ugu horeeyey ee dawladaha hogaamiya beesha caalamku ku hambalyeynayeen guushaa mucjisada ah ee Somaliland ka hirgashay. Hase ahaatee waxa nasiib darro ah in aan weli shaaca laga qaadin natiijooyinkii gobolada ee doorashada, marka laga reebo gobolka Saaxil oo shalay komshishanka gobolkaasi si ku-meel-gaadh ah ugu dhawaaqay.

Laakiin waxay shacbiga Somaliland ka wer-wersan yihiin sababta ay komishanka doorashooyinku maalintii 6-aad ay u soo saari la’yihiin natiijooyinkii doorashada, taas oo ay ka dhalan karaan waxyaabo khal-khal keeni kara, sida iyada oo cabashooyinka iyo muranka xisbiyadu sii kordhaan oo ay arrintu gaadho heer laga aamin-ka-baxo natiijooyinka oo dhan, haddii muddada ku dhawaaqistu sii jiitanto sidii ka dhacday dalka Itoobiya bishii May ee sannadkan, ka dib markii natiijooyinkii doorashada ku dhawaaqistoodu hore u soo bixi wayday, taas oo shaki badan iyo utumo kala dhex dhigtay xukuumadda iyo xisbiyada mucaaradka.
Walaw uu xeerka doorashadu ogolaanayo in ku dhawaaqista kama dambaysta ahi qaadan karto ilaa 10 cisho, hase yeeshee inta ka horeysa waxay ahayd in xili horeba la sii daayo natiijo-goboleedyada ku meel-gaadhka ah si u ugu dego dareenkan dadka ee doorashada ku foogan.
Marka la qiimeeyo duruufaha dalkani ku jiro, natiijooyinka oo dhakhso loogu dhawaaqaa waxay dhiiri-gelin u noqonaysaa sii xoojinta hana-qaadka geed-socodka dimuqraadiyada Somaliland, isla markaana waxay caalamka u rumaynaysaa sidii xaragada lahayd ee doorashadani u sugantay.

Waxa kale oo iyaduna lagama maarmaan ah in dawladda iyo xisbiyaduba ay marwalba ku baaraarugsanaadaan maslaxadda iyo karaamada ay doorashadani dadka iyo dalkaba u leedahay oo aanu muranka kuraastoodu la talax tegin.

No comments: