Sunday, October 09, 2005

TOLOW MUXUU NOQON MASIIRKA WASIIRADA RIYAALE


Waxaa si hufan oo sharaf iyo maamuus ku dheehan tahay u gutay xilkasnimadoodii Shacabka reer Somaliland oo si nabad gelyo, kala danbyn iyo ilaalin sharci ku dhantahay u dhamays tirtay codbixintoodii ay u dareereen khamiistii bishu ay ahayd 29th September, 2005. Haddaba maxaa ka danbeeyey khamiistii.

Doorashadii 29th xisbiga Udub ee talada wadanka haya waxaa u soo hoyatay guul daro, iyagoo ku tashaday inay dhac, laluush bixin, caga juglayn ku helaan aqlabiyad si ay u sii wataan xukunkoodii hamajka ahaa. Waxaa dadweynaha reer Somaliland ka dhareg sanyihiin wixii ay ku kacday xukuumada uu Daahir Rayaale u yahay hogaanka, isagoo ugu duceeyey Wasiiradiisa waxa ay dhici karaan amse ay boobi karaan inay sameeyaan adeegsadaana hantida dalka, booliska iyo milaterigiisaba.

Haddaba wasiirada Rayaale ee uu ukala diray lixda gobol ee wadanku ka kooban yahay maxay faleen?

Hargaysa:

Hargaysa waxaa farta laga saaray Wasiir Ismaaciil yare oo aad moodo inuu arbaciinkii galay sidii doorashada Golaha Wakiiladu u bilaabantayba. Wixii ka dhacay Jufada, Agabar iyo Gabiilay waynu la wada aragnay, magaalada Hargeisana ilaa iminka ayaa fooda layskula jiraa. Isagana tiradaas ayaa ugu hadhay arbaciinkii.


Awdal:

Gobalka awdal waxaa loo diray dhowr wasiir oo uu hor kacayo Wasiir Qaasim. Qaasim haddaba maxuu soo kordhiyey? Waxaynu odhan karnaa Qaasim wuxuu qaadaya koobka Rayaale dhigay bilada dahabka ah, ka dib markii uu ku guulaystay inuu eryo muraaqibiintii ku sugnayd Lughaya iyo saylac kadibna ku foorariyey sanaaduuqdii cododkii Udub,inkastoo isagana ay kaga soo booday mucjiso kale oo aanu filayn oo reer kale oo meeshaba aanu ka filayn ay maroorsadeen Codadkii badnaa. Hase-ahaatee waxaan odhan karnaa isagaa ugu tayo batay dhinaca ku shubashada.

Togdheer:

Togdheer dhowr Wasiir ayaa loo xil saaray soo boobista iyo caga juglaynteeda. Dhawrkaa Wasiir oo uu horkacayey, Cawil iyo Siciid Sulub. Haddaba iyagana maxaa uga qabsoomay fadhatayntii?Waxay iyaguna isagu tageen inay ilaa laba musurax mucaaridka kala cararaan, doorashadii xalaasha ahaydna ay dhooqeeyaan.

Sanaag:

Sanaag waxaa hormood ka ahaa ina Ducaale , oo loo xil saaray inuu soo marooriyo degmada Ceel afweyn. Ceel afweyn waxaa ka codeeyey 14.000 oo qof ooy ugu yaraan ka soo bixi lahaayeen laba musharx oo reer Ceel afweyn ah, xisbigay doonaanba ha ka soo baxaan eh. Tiina may suurtoobin oo Ceel afweyn bilaa xildhibaan ayuu diray Ina dhoole yare, ka dib markii uu isagii laba codleeyey kii ka daa yihdina xidhay, codadkii soo baxayna uu galiyey xanibaad iyo khalakhal.

Sool:

Sool waxaa gaaf wareegaya oo la dhex mushaaxaya lacag sawiran Wasiir Xasan iyo Wasiir Osman oo iyana ku shubtay codadkii Yagoori iyo Adhi cadeeye , oo ilaa iminkana la garanayn waxay la dhex wareegayaan Caynaba.

Saaxiil:

Saaxiil, Madexweyne ku-xigeen Ahmed Yaasiin wuxuu dhaafi kari waayey Ucid iyo Faisal oo dhuunta isu taagay, isagan xaalkiisu ma wanaagsana.

Haddaba dhacdooyinkaas oo dhan ka dib, waxay u muuqataa inay labada Xisbi Mucaarad helayaan aqalbiyada Golaha Wakiilada, taasoo jidka siraad ku soo dabaali doonta Xukuumada Udub ee Rayaale madaxda ka yahay. Haddaba akhristow muxuu masiirka Wasiirada Rayaale ku danbayn doonaan?

Sida iminka cad wax u yaala Wasiirada oo badani ma jirto. Gidigood dhegta ayey wada taagayaan arinina waa ku ciirsantahay, baqdintuna way u dheer tahay. Haddaba waxaan kula talin lahaa inay intay aan la duubin oo la soo hort taagin sharcigay ku tumanayeen inay waxoogaagii ay fadhataysteen la cararaan oo ay is qariyaan.

Ahmed Hassan Ahmed "Quick"

No comments: