Thursday, October 20, 2005

“Beesha Cumar Jibriil (H/Jeclo) Waxay Samaysanaysaa Boqor”

Shir ay isugu yimaadeen aqoonyahano, culimo’udiin, dhalinyaro iyo wax-garad kale oo ka soo jeeda Beesha Cumar Jibriil H/jeclo taariikhdu markay ahayd 13/10/05 oo ka dhacay magaalada Hargeysa. Shirkaas oo lagaga hadlayey sidii Beeshu u samaysan lahayd Boqor Cusub, iyadoo si taxadar leh loo falanqeeyey looguna lafa-guray sida ugu haboon ee ay u dhici lahayd oorashada boqorku.

Waxa muuqatay in la gaadhay xiligii ay Beesha Cumar Jibriil samaysan lahayd Boqor, iyadoo laga duulayo baahida ka dhex-jirta Beesha iyo gol-daloolooyinka loo baahan-yahay inuu buuxiyo boqorka cusubi, maadaama ay beeshu tahay beel ballaadhan oo degan 3 gobol (Togdheer, Sool iyo Saaxil), awoodna u leh inay samaysato Boqor cusub oo u adeega danaheeda gaar ahaaneed iyo kuwa qaranka Somaliland-ba, ayaa waxa shirkaas lagu go’aamiyey qodobadan hoos ku qoran:

1. Shirku wuxuu isla qaatay in Boqor la sameeyo.

2. Shirku wuxu isla qaatay guddi qaban-qaabo oo u gogol xaadha sidii shirkaasi u dhici lahaa, guddigaasna waxa laga magacaabay isla shiraas. Guddigaas waxa loo xilsaaray inay muddo 3 bilood gudahood ah ku soo diyariyaan siduu u dhici lahaa shirweyne Cumar oo lagu dooranayo boqorkii midayn lahaa beesha Cumar Jibriil H/jeclo.

3. Shirku wuxuu u soo jeediyey guddiga qaban-qaabada shirweynaha beesha Cumar Jibriil, ka dib markii qiimeyn balaadhan lagu sameeyey gobta ugu haboon ee shirkaas ku qabsoomi karo inay noqoto dooxada jaleelo ee degmada Caynabo gobolka Sool.

4. Shirku wuxu ogeysiin ballaadhan u soo jeedinayaa dhammaan cid kasta oo ka tirsanaa beesha Cumar Jibriil H/jeclo gudo iyo debedba inay la socdaan geedi socodka shirweynaha Cumar Jibriil ee lagu dooranayo haddii alle idmo boqorka Beesha Cumar Jibriil.

Dr. Cismaan X. Abokor Axmed

Afhayeenka Shirka.

Xigasho:
Haatuf.net

No comments: