Monday, October 10, 2005

Beesha Madaxwene Rayaale Oo Lagaga Adkaaday Doorashadii Xubnaha Baarlamaanka Gobolka Awdal

Haatuf — Borama, Somaliland-Beesha Maxamed Case (samarroon) ayaa markii ugu horreysay muddo afartan sannadood ku dhawaad doorashooyin madaxbannaan kaga adkaatay beesha uu ka soo jeedo Madaxweyne Rayaale (Makaahiil) doorashadii baarlamaanka ee dhawaanta ka dhacday dalka.

Sida uu ku soo waramay werihaya Haatuf ee gobolka Awdal, Maxamed Cumar, guusha beesha Maxamed Case ayaa waxay tahay markii xubnaha beeshaasi uga sharraxnaa saddexda xisbi qaran ay badi soo baxeen kuna guulaysteen ilaa toddoba xubnood marka lagu darro xubinta uga sharraxan gobolka Hargeysa.Guuldarada beesha Makaahiil ayaa loo tirinayaa markii Madaxweyne Rayaale xisbigiisa UDUB taageerayaashiisa gobolkan Awdal lagu wargeliyey inay codkooda siiyaan oo keli ah musharraxa lagu magacaabo Mahdi Xasan Sugaal oo ay qaraabo yihiin Madaxweynaha, kaddibna beesha Qulujeed uu ka helay codad aad u tiro badan oo la tuhunsan yahay in lagu shubtay maadaama magaaladaasi caan ku tahay la dagaalanka axsaabta mucaaradka, isla markaana maalmihii doorashadu soo gelaysay laga eryey taageerayaal u codeyn lahaa axsaabta mucaaaradka.

Inkastoo doorashadu ku salaysnayd axsaabta siyaasadda balse, waxa la ogyahay in coddeynta ay iska lahaayeen qabaa’ilku, sidaas darteedna guuldarada beesha makaahiil ay masuul ka ahaayeen taageerayaasha xsbiga UDUB ee ardaayada beeshaasi oo u diiday dadkoodu inay iska soo sharraxaan axsaabta mucaaradka, taasina ay keentay in laba musharrax oo ardaayada Jibriil Yoonis ka tirsan loo afduubay.

Guusha beesha Maxamed Case, oo uu hormood ka ahaa musharraxa reer Lughaya Cabdi Gaagaale, ayaa waxa sii xoojiyey cadhada beelaha Baki iyo Lughaya ka tirsanayaan Xukuumadda Madaxweyne Rayaale oo ay u arkaan in dhulkoodii loo googoynayo beelaha Bariga Hargeysa, isla markaana tuulooyin uu cod ka heli lahaa musharraxa reer Lughaya gebi ahaanba laga joojiyey sanaaduuqda codbixinta muranka dhulkaa ka taagan awgeed.

Cabasho iyo qaylo kasta oo ay ka sameeyeen arrintaasi aanay xukuumaddu dheg jalaq u siinin. Inkastoo musharraxiinta beeshaasi ka soo kala baxeen axsaabta siyaasadeed, waxa kale oo guul u soo hoysay xisbiga KULMIYE oo aan la filayn inuu hal kursi ka helo gobolkan, balse guusha xisbiga UDUB guud ahaan gobolka uu ka heleyna aanay ahayn mid uu isku hallayn karo Madaxweyne Rayaale iyo hoggaanka xisbigiisa UDUB. Musharaxiinta tirada yar ee ka soo baxay beelaha Makaahiil iyo habar Cafaan, ayaa weli waxa ka taagan qaylo, canaan, eedeyn iyo dacwado balse ilaa imika cidi uma joojin. Musharaxa Cabdi Gaagaale oo hore uga tirsanaan jiray axsaabta Mucaaradka, dalkana debedda kaga maqnaa muddo, marka ay doorashooyinku dhacayaan yimaadda, waxa uu haatan ka tirsan yahay xisbiga UDUB, balse su'aasha meesha taalla ayaa waxay tahay maxaa ku xiga isbahaysiga beesha Maxamed Case iskaga bahaysteen inay soo saaraan in ka badan 7 musharrax, beeshaas oo muddo sannado badan ah ku hoos jirtay maamulka ay gacanta ku hayeen beesha Makaahiil ee uu ka tirsan yahay Madaxweyne Rayaale?

No comments: