Monday, October 10, 2005

Ikraan: Gabadhii u horaysay ee ka mid noqotay Baarlamaanka Somaliland


Ikraan Xaaji Daa’uud ayaa noqotay haweenaydii u horaysay ee ka mid noqotay Baarlamaanka cusub ee Somaliland.

Ikraan Xaaji Daa’ud, waxa ay ka soo baxday gobolka Awdal, oo ay ka mid ahayd Murashixinta xisbiga KULMIYE ee gobolka Awdal, waxaanay heshay 3,510 cod.
Dadka Siyaasadda Faalleeya ayaa hore u saadaalinayay inay Ikraan soo bixi doonto, iyaga oo ka Tusaale qaadanayay taageerada ay ku dhex leedahay bulshada Reer Awdal.
Toddoba Haween, ayaa ka mid ah Murashixinta u loolamaya Kuraasta Golaha Wakiilada Somaliland, ilaa haddana waxa Murashaxnimadeedii ku guulaystay Ikraan Xaaji Daa’ud Warsame.

Akhristayaasha Bogga Xaawa iyo Aadan, waxa ay Hambalyo u dirayaan Ikraan Xaaji Daa’uud Warsame, oo dedaal dheer u gashay ka mid noqoshada Xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland, waxaanay ka soo dhex dabaalatay Mawjado Siyaasadeed oo ka horyimid oo ay u dhabar adaygtay.

Jamhuuriya Online

No comments: