Tuesday, October 11, 2005

Ma dhabaa Cabdi Xassan Buuni inuu iska casilay Xukuumada Madaxweyne Rayaale


Hargeysa-HWN-Warar la isla dhex maraayo Magaalo Madaxda Gobolka Awadal ee Boorama ayaa sadexdii maal mood ee ugu danbeeyey ayaa lagu sheegayey inuu is-casilay wasiirka Xukuumada Madaxweyne Rayaale u qaabilsan xidhiidhka Golayaasha Md:Cabdi Xasan Buuni waa sida wararka naga soo gaadhaya Gobolka Awdal ay sheegayaane.

Wararkaasi waxay shegayaan inay iscasilaada wasiirku ay la xidhiidho cadho uu ka qaaday sidii ay u dhacday doorashadii baarlaamka ee 29/9/2005 ka dhacday dalka J. Somaliland Taas oo sida la tuhunsantahay xisbiga UDUB wasiirku ka dareemay khiyaamo ay ku soo saareen Musharixiin aan haysan taageero badan, isla markaana meesha laga saaray musharixiin kale oo aan haysan taageero badan.

Taasina ay dhalisay in musharixiin ka tirsan beesha wasiirku ka soo jeedo ay halka ku waayeen jagadii xildhibaanimo ay ku tartamayeen, isla markaana ay beesha wasiirku ay ka cadhoodeen iyadoo sida la sheegayo Eeda beesha wasiirku ku weyday xubinimadii baarlamanka uu masuul ka ahaa wasiir Buuni, inkastoo oo aanay jirin warar rasmiya oo la xidhiidha iscasilaada wasiirka, waxa hadii ay jirto loo qaadan karaa dhirbaaxo kale oo Dawlada Madaxweyne Rayaale ka soo gaadha arimaha siyaasada, maadaama uu wasiirku ka mid ahaa Cabdi Xasan Buuni siyaasiyiinti lixdankii isagoo wasiirku geed gaaban iyo mid dheerba u fuulay sidii xisbiga UDUB uga heli lahaa aqlabiyada gobolkaasi oo uu madaxweyne Rayaale uu ka soo jeedo balse Cabdi Xasan Buuni Cidlo la diray.

No comments: