Monday, October 03, 2005

Cabdiqadir Ismacil Jirde oo waji qabax la yuurura.


Gobolka Hargeysa ayaa Guddoomiyaha ku Xigeenkii 1-aad ee Golahii Wakiiladda ee wakhtigiisu Dhamaaday C/qaadir Ismaciil Jirde si weyn u rajo gabbay markii Seddex Musharax oo ay isku deegaan yahiin kana sharaxan Xisbiga Kulmiye Nac-nac, Kijandhe, iyo Cabdi Haybe ay codod badan ka heleen, waxaana la xaqiijinaya in uu si cad uga hadhay uguna guul daraystay C/qaadir Ismaciil Jirde hammigiisi ahaa in mar labaad la soo doorto.

Isku soo duubo waxaa la odhan karaa Xisbiyada Mucaaridka ah ee KULMIYE iyo UCID ayaa aqlabiyad balaadhan ku hogaaminaaya Xisbiga Muxaafidka ah ee UDUB, waxaana cad in kuraasta baarlamaanka %75 ay Xisbiyada Mucaaridku aqlabiyad ku heli doonaan.

Waridaad

No comments: