Sunday, October 02, 2005

NATIIJADII HORUDHACA AHAYD EE DEGMADA GABILEY IYO FASHILKII WASIIRKA GUDAHA


Dhinaca kale Gobolkani Hargeysa ayaa Guddoomiyaha ku Xigeenkii 1-aad ee Golahii Wakiiladda ee wakhtigiisu Dhamaaday C/qaadir Ismaciil Jirde si weyn u rajo gabbay markii Seddex Musharax oo ay isku deegaan yahiin kana sharaxan Xisbiga Kulmiye Nac-nac, Kijandhe, iyo Cabdi Haybe ay codod badan ka heleen.

NATIIJADII HORUDHACA EE DEGMADA GABILEY, KALA HORAYNTA XISBIYADA EE GOBOLADA IYO DHIILADDA HAYSATA XISBIGA XUKUUMADDA.

Iyadoo Shallay ilaa Xallay gelinkii hore Shaki weyn soo wajahay Tirinta Cododka ee Degmada Gabilay, ka dib markii Raxan Ciidamo gaar ah oo kuwa Madaxtooyada oo uu horkaacayey Wasiirka Arrimaha Gudaha Ismaciil Aadan Cismaan (Ismaciil Yare) ay isku dayeen inay ku qasbaan 70 Goobood oo cododka Degmada Gabilay laga tirinaayey in Xisbiga UDUB ku shubto, balse waxaa isku geedaamay Goobahaasi Kumanaan qof oo reer Gabiley ah oo ka horjoogsaday Wasiirul Daakhiliga iyo Kooxdii askarta ahayd ee la socotay inay Faraha la gallaan Tirinta Cododka Degmooyinka Gabiley, waxaana halkaasi Dhiilo iyo Khashifaad weyni ka raacday Wasiirul Daakhliga oo maalmahii ugu danbeeyey Tiif Siyaasadadeed oo aad u weyni dhabarka ka saarayd.

Haddaba aniga oo wakhtigani ku sugan Xarunta Koomiishanka Doorashooyinka Qarranka ayaan ka hellay Seddex Sarkaal oo ka tirsan Xisbiyada UCID, KULMIYE IYO UDUB Tirintii Cododka Degmada Gabiley badankood waxaana Seddexda Xisbi u kala heleen Sida tani.

XISBIGA KULMIYE: 17450 COD (Todoba iyo toban kun iyo afar boqol iyo Konton Cod.

XISBIGA UDUB: 9500 COD ( Sagaal Kun iyo shan boqol oo Cod.

XISBIGA UCID: 5500 ( Shan Kun iyo Shan Boqol oo Cod.

Sidoo kale wararka iga soo gaadhaya Gobolkani Hargeysa Degmooyinkiisa ayaa ii sheegaya in Xisbiga UCID uu Codod Xawli ah ka hellay Degmooyinka Maxamoud Haybe,Sallaxley, iyo Kood Buur, Sidoo kale Xisbiga KULMIYE ayaa weli Guud ahaan Gobolka Hargeysa ku hogaaminaya Codod dheeri ah, balse Xisbiga UDUB ayaa Labada Xisbi ee Mucaaridka ahi Codod aqlabiyad aad u weyn ah kaga horeeyaan gobolka Hargeysa.

Gobolka Togdheer ayaa la ii sheegaya in 12000 (laba iyo toban kun oo Cod) uu Xisbiga Kulmiye ku hogaaminaayo xagga Xisbiga UCID uu kaalinta Labaad kaga jiro, Gobolka Sannaag ayaa la sheegaya in Xisbiga Kulmiye uu Codod yar ku hogaaminayo Labada Xisbi ee UCID iyo UDUB.
Gobolka Saaxiil ayaa waxaa Hogaanka u haya Xisbiga UCID oo runtii Taageeradiisu kor usoo kacayso Gobolada oo dhan, balse labada Xisbi ee Kale ayaa iyaguna ku soo daba jira.
Gobolka Sool ayaan weli la garan karin Cidda ku horaysa, balse Degmada Caynabo ayaa la ii sheegaya in %90 Cododkii la tiriyey uu ku horeeyo Xisbiga KULMIYE.

Dhinaca kale Gobolkani Hargeysa ayaa Guddoomiyaha ku Xigeenkii 1-aad ee Golahii Wakiiladda ee wakhtigiisu Dhamaaday C/qaadir Ismaciil Jirde si weyn u rajo gabbay markii Seddex Musharax oo ay isku deegaan yahiin kana sharaxan Xisbiga Kulmiye Nac-nac, Kijandhe, iyo Cabdi Haybe ay codod badan ka heleen, waxaana la ii xaqiijinaya in uu si cad uga hadhay uguna guul daraystay C/qaadir Ismaciil Jirde hammigiisi ahaa in mar labaad la soo doorto.
isku soo duubo waxaa la odhan karaa Xisbiyada Mucaaridka ah ee KULMIYE iyo UCID ayaa aqlabiyad balaadhan ku hogaaminaaya Xisbiga Muxaafidka ah ee UDUB, waxaana cad in kuraasta baarlamaanka %75 ay Xisbiyada Mucaaridku aqlabiyad ku heli doonaan.

MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)
XARUNTA KOOMIISHANKA DOORASHOOYINKA QARRANKA
HARGEYSA, SOMALILAND
Mobile: 00-252-2-406745

diridhaba2001@hotmail.com

Tallaabo Tallaabo ayaan cododka horudhaca ah idiinla socodsiin doona ilaahay idamkii ee la socda shabakadaha wararka.

No comments: