Monday, October 03, 2005

Wasiirka daakhiliga oo markii ugu horaysay indhahiisu cirka isku shareereen.


Ismaaciil yare oo sidii u caadada ahayd wata raxan ciidamada ilaaliya Madaxweyne Rayaale, oo isku soo maqiiqay goobahii ay sanaaduqdu taalay, isagoo amray masuuliyeentii halkaa ku sugnayd inay ooda ka rogaan 70 goobood oo cododka Gabiley lagu tirinayey in Xisibiga Udub ku shubato.

Goobahaas oo ay dhoobnaayeen dadkii codeeyey oo markii ay falka uu wado Wasiirku arkeen is hor taagay uuguna quus gooyey inuu faraha la galo sanaaduuqda, iyagoo aad ugu xun, fool xumada uu wado wasiirkan isku sheegay inuu yahay kii aminga dalka loo dhaariyey.


Haddaba inay doorashadani ka duwan tahay tii Madaxtooyada ayaanu wasiirku garan. Wasiirka waxaan loo soo sheegin in dadku dooranayaan qof tayo leh oo u fadhiista Golaha Wakiilada oo masiirkooda ka shaqeeya, codkiisana ay ka ilaaliyaan inuu saxar fuulo iska daa in la bililiqaysto'e.

Tiradii codadka oo gabi ahaan soo xarootay, badankeedii lawada tiriyey, sida la saadaalinaayana la leeyahan labada Xisbi mucaarad ayaa aqlabiyad ku guulaysanya, ayuu Wasiir Ismaaciil ka seexan kari layahay oo kar kulul ku haya. Inkastoo aanu la yaab lahayn, waa ogyahay waxa masiirkiisu noqon doono bilaha inagu soo fooda leh. Somaliduna waxay ku maahmaahdaa "Wanku ilaa la gowraco indhahiisu cirka ma arkaan". Markaa akhristow Ismaaciil yare indhahiisii cirka ayey ku shareeran yihiin,wakhtigiisiina waa dhamaad ee arkoo dhaafa.

By
Ahmed Quick

No comments: