Monday, October 24, 2005

Daahir Riyaale oo aan Kalsoonida Dadka ee Kursigiisa Ku Qanacsanayn


Daahir Riyaale oo aan Kalsoonida Dadka ee Kursigiisa Ku Qanacsanayn

29-ka September waa maalin doorasho. Waxay noqotay maalintii doorashada saddexaad ee dalka Somaliland loo dareero. Doorashadan waxaa dadweynuhu ku xulanayeen xubno cusub oo gobollada iyo dalkaba guud ahaan uga wakiil noqon doona Aqalka Baarlamaanka muddada shanta sannadood ah ee fooda innagu soo haya. Boqolaal kun oo muwaadin ayaa safaf dhaadheer u galay goobaha codbixinta maalintaa hadda caanka noqotay, si ay waajibkooda u gutaan. Waxay dadweynuhu bixinayeen codkooda. Waxay hilaadinayeen mustaqbalka. Waxayna xusayeen taariikhdii xannuunka badnayd ee soo martay. Codkoodan ay qoraxda ku dhiibanayaana, wuxuu had iyo goor waraabinayaa geedkii xorriyadooda cusub ee ku baxay dhiigii geesiyaashii badnaa ee hilibkooda la gegey kaalimaha codbixinta iyo dariiqyada ay safnaayeen ee ay maanta xididka geedka dimuqraadiyada ciida ugu aasayaan. Waxay dhidibada u taageen tiirarkii gobanimadooda cusub oo ay dhiigi dadkii xorreeyey, kuwa ku aqoomoobey iyo inta naafada ahba ku maamuseeen waxa ugu qaalisan ee ay ugu abaal gudi karaan: Dimuqraadiyad, xorriyad, madaxnaanaan, nabadgelyo, wadaniyad, cashiiro, midnimo, sinaan iyo caddaalad. Gobanimaduna, sidii abwaan guuni hore u yidhi, “Waa geed ku baxa, dhiiga geesiga e.” Ma jiro qof damiir leh oo aan qiiroonayn, markuu xasuusto boqolkii kun ee ruux ee dalkan xorriyadiisa u qudh baxay ama loo dilay sannadihii xannuunka badnaa ee ina soo maray(1981-1991). Ma jiro qof dareen aadimino leh oo aan damqasho xanuun badani jidhkiisa qabanayn, markasta oo uu tebo boqolkii kun ee carruur, dumar iyo cirrooleba isugu jirey ee noloshoodii ay soo afjareen budhcad madaxweyne dayday ahi (A thug-president) hogaaminayey oo doonayey inay geyigiyo dhulkeena gumaystaan.

Isagoo arrinta doorashadan fariinta culus ee weliba himilada fogi ku dhaahan tahay sida ka hadlaya, waxaa safaaxadda Somaliland xalay ka soo werisey caasimada dalka Somaliland in madaxweyne Riyaale Mudane Axmed Siilaanyo ku yidhi haddalo ay mid yihiin: “Maalin dhaweyd, waxaad sheeganaysay in kalsoonidii ummaddu u dhiibatay mucaaridka, adigoo Axmed Siilaanyo ah, taas oo ah waxaan raad lahayn…” Isagoo madaxweynuhu hadalkiisii sii watana, waxaa erayadiisa ka mid ahaa: “April 2003, baan u tartannay cidda ammaanada iyo kalsoonida ummaddani u dhiibanayso, aniga ayey ummaddani ii dhiibatay, iina igmatay muddo shan sanno ah, laga soo bilaabo maalintaas. Kalsoonida maanta aad sheeganaysaana waa waxba kama jiraan, ummadduna way ogtahay, ceeb bayna kugu tahay in aad sheegato wax aanay ummaddani kuu dhiiban kuuna igman oo ah hogaaminta talada dalka.”

Laakiin mushkiladu waxay ka taagan tahay “kalsoonida” madaxweynuhu sheeganayaa waa iska afka baarkiisa oo isagaan ku qanacsanayn. Waxaa gubaya madaxweynaha damiirkiisa qofnimo oo markhaati ku noqday mar haddii uu ka mid ahaa raggii laayey boqolkii kun ee qof ee reer-Somaliland maanta codka doorashada dhacday bud-dhiga uga dhigayaan si ugu sii sagootiyaan, geedkii dhiigoodii beerayna noqday xorriyada aynu hoos hadhsanayno, dimuqraadiyaddana ku hoos samaysanayno. Isaga aragtidiisa dadkii weli isma saamixin, nabadayn iyo heshiis bulshada dhexdeeda ahi ma dhicin. Weli madaxweynaha waxaa qaadan waa ku ah in Mandela-hii Somaliland, Mr. Silanyo, gocorkaagan shaydaan iska kaa siiyey kursigii ugu mudnaa dalkii uu tobanka sannadood dhibta badan u soo galay xorreyntiisa--oo weliba kugu saamaxay. Mandelaha Somaliland markaa waxaabu ula muuqday nin miskiina oo wixii la doono layskaga odhan karo, mar hadduu xollado raana kugu shidi waayey markaad ka boobtay kursigiisii uu ku mutaystey taariikhda waxa uu dadkiisa iyo dalkiisa u soo qabtay maalmahii darraa. Tani waa xaajadii Hadraawi ka gabyey, markuu lahaa:

“ Guyaal iyo guyaal bay rarteen, gocorro shaydaane;

Iyadoon goblamin baa haddana, geelo loo hadhaye;

Gol-dalooladeedaa ka badan, galalka ciideede. . .

Miyaan Geeddi Baabow arladu, gelina waayeynin!”

Ka sii darane, ku qanciwaaga madaxweynaha ku dhacday waxay geysiisey innuu si gaara ula coloobo dadkii halgankii SNM ka soo jeeday oo dhan, si uu tacabkoodii u khasaareeyana uu baabi’iyo raadkii dhaxalkii waxay u soo dhibtoodeen, dadkoodii badnaana u dhintay. Wuxuu dhiibay oo cadow shisheeye gacanta u geliyey qaybo ka mida dalkan uu had iyo goor leeyahay “aniga ayey ummaddani ii dhiibatay.” Waxaan madaxweynaha u kala sokayn wixii SNM ku abtirsada: Carruur, dumar, waxgarad, siyaasi, halgame, cirroole, caaqil, wadaad, sheekh iyo shariiftoona, mar haddii dariimkiisu weli siin la’yahay innuu isa soo hortaagi karo oo si kalsooni ku jirto ugu odhan karo annigaa madaxweyne idiin wada ah, ileen shalay way is ogaayeene. Xitaa hadduu odhan lahaa Siilaanyo ayey marwalba iga raacayaan, maxay da’ yarta cimrigoodu

30-ka sannadood ka yaryahayna galabsandeed ee xitaa maalin kasta aqoondaro gu’ yaraantoodu keentay ay xisbiga Daahir Riyaale codadka badan iskaga siinayaan? Markii SNM dalka xorreynayey, Daahir-na ahaa sarkaal sare oo NSS-tii Afweyne ah oo xukuma Hargeisa, Berbera iyo Laas Caanood, 70% dadka maanta Somaliland ku nooli mabay dhalan ama raad dhaqaajis bay ahaayeen. Haddana maba kala garanayaan mujaahid iyo faqash ee waxay uun rabaan cid wax u qabata oo iskuullo u dhista oo shaqooyina u abuurta.

Waxay ahayd kolkii halganku socday iyo xitaa ka dib markii shacabka la xasuuqay (1988-89) markii uu xoogeystey fekerkii ahaa inaynu dalkeena goosano ka dib markaynu xorraysano ee guryo tango. Waxaa kaloo fekerkaa barbar socdey talada ah inaynaan ka aar goosan huwantii dalkii British Somaliland la odhan jirey inna helayd ee laakiin cadowgii Afweyne innoo soo raacday wakhtigii halganka iyo rafaadka—wixii aan ashkaastii dalka dembiga ka galay ee laga xorreeyey ka ahayn. Waxaa labada caadifadoodba lagaga dhabeeyey—ka dhabaynta halganka xorreynta iyo isa saamaxaada beelaha—looguna wan qalay magaalada Burco sannadkii 1991. Wixii kale waa taariikh. Laakiin, maanta kuwii laga xorreeyey ayaa dib u xorreystay!

Iyadoo weli qaarkeen u baroor diiqayaan boqolkii kun ee gacanta cadowga ku dhintay ee magligii Afweyne iyo casaabadiisa lagu jarjaray, miyaan tolow cidi ka tiiraanyoonayn agoomihii iyo naafadii ay ifka kaga tageen ee Daahir, Cawil, Ismaaciil iyo Cabdillaahi xukumaan? Siduu kalsooni madaxweynanimo ku sheegan karaa nin taariikhdu u il-duuftay oo xukuma hambadii dadkii uu aabbayaashood, walaalahool, hooyooyinkood iyo elehkoodii oo dhan laayey? Waxaynu ognahay waxaas oo dhan. Markaasaynu haddana runta iska indha tirnaa, madaxda ciida gelinaa sidii gorayadii, jeclaysanaana in waxa aynu aragnay ama sebenka aynu noolahay aanu run ahayn ee malaa yahay riyo xun oo marka aynu hudrada ka toosno innaga tegi doonta.

Waxaynu aad isaga dhega maraynaa runta. Kuwa aan taariikhdooda wax ka baranina waxay ku khasban yihiin inay khaladkii hore ku celiyaan ama godkii gore dib mar kale ugu dhacaan. (Those who do not learn from their history are condemned to repeat it). Dadka SNM ka soo jeedaa aargoosi ma rabaan; waxay u baahan yihiin caddaalad. Inkastoo afartan sannadood oo Soomaalidu dawlad ahayd wakhtigu aad uga hiishey, khalad badhkiina ay igu lahaayeen, shacabka Somaliland maanta wuxuu rabaa dawlad tayo leh oo xukun wanaaga taqaana, sharciga oo la dhawro, ictiraaf dalka loo raadiyo iyo hantida ummaddan saboolka ah oo la dhowro. Siilaanyana wuxuu rabaa waxaynu kuligeen wada rabno: carruurteenoo iskuul loo helo, nabadgelyada oo la xoojiyo, shaqooyin la abuuro, agoomihii SNM oo wax loo qabto oo dalka samir siiska ay ku leeyihiin looga gooyo, in musuqmaasuqa hantida qaranka laga daayo, kifaaxa ummaddan adduunka laga iibiyo, siyaasad cad oo ictiraaf dalka loogu helana dawladdani la timaado. Axmed nin wax gaara raba oo kursi u bu’aya maaha waayo waa Mandela-hii Somaliland oo waa hogaamiyihii shacabka (The people’s president) mar hadduu xorreeyey dalkiisa. Umana baahna in maanta Daahir Riyaale ku yidhaahdo “ceeb bayna kugu tahay in aad sheegato wax aanay ummaddani kuu dhiiban kuuna igman oo ah hogaaminta talada dalka.” Axmed waxaanu ahayn ma sheegto ee waa odaygii ummaddan, baal dahaba ayuuna kaga jiraa kifaaxa ummaddiisu u soo martay xorriyadan, waana arrin ay isku wada raacsan yihiin kuwa taariikhda Somaliland sameeya ee uu ka mid yahay, iyo kuwa qoraba.

Laakiin, dawladdii Daahir Riyaale waxay noqotay orgobe xadhigii goostay, intaynu ka sii jeedney ee dal dhiska iyo hawlaha samafalka iyo wadaniyada ku sii foogneyn. Iyadii baa hadda sharci noqotay. (Riyale’s government has become a law unto itself.) Waxaanay si xun uga faa’iidaysatey dal jacaylkeena, wadaninimadeena, dimuqraadinimadeena iyo nabad jecaylkeena. Haddana waxa uu Mr. Riyaale ka gubanayaa waa isagoo ka sii baqaya baarlamaanka mucaaridkii aqlabiyada badan helay ee la xisaabtami doona. Waxaa dhib ku noqotay dimuqraadiyadda Somaliland ee hirgashay iyo wakiillada aqoonta leh ee soo baxay. Wuxuu madaxweynuhu ogyahay in dardarsigii wadaamaha iyo dooshii subaga lahayd hadda wixii ka dambeeya laysu dacarayn doono.

“Dimuqraadiyadda” Somaliland ee madaxweynuhu leeyahay annigaa keenay, dadka ku hoos nooli 83% waa sabool; 45% bakhtigaa u xalaala oo ciiday cunaan; 17% qudha ayaa carruurtii Somaliland iskuul haysata; dalku dhakhaatiir caafimaad dad iyo mid xoolaad midna ma leh; biyo la cabo xitaa caasimada dalka lagama helo; wadooyin dhaqaalaha dalku maro haddiiba ay dhaqaalaha dalka ka shaqeeyaan ma jiro. Markaa waxa madaxweynuhu mudane Siilaanyo iyo innagaba innoogu mano sheeganayaa maa doorashooyinka lagu khasbay ee shacabka iyo xisbiyada mucaaridku hirgeliyeen baa? Waa intaa waxa madaxweyihii u qaatay innuu wax qabtay—guushii shacbiga nabadgelyada maalin walba ku codeeya iyagoo haddana og inaan dawladdani codkooda waxba ugu qabanayn iyo qayladii axsaabta mucaaridka oo saxeexiisa ka fara maroojisey. Waa madaxweyne isagaan waxba qaban dadka ugu mano sheegta annigaa waaga beryey keenay, sidii diiga. Diigu wuxuu ciyaa salaada hore. Dad cidiisa hadal kula baxaya oo reer galbedka u badan ayaa yidhi wuxuu leeyahay, annigaa waagan beryey keenay, oo aadamaha ayuu qoraxdan Ilaahay soo saaray abaal kaga rabaa oo ugu mano sheegtaa! Dimuqraadiyadda Daahir yidhi annigaa keenay baana maanta taa ka dhigan. Miyaanu tolow ogeyn inaanu nahay dad bahashu duuxa kaga jirto oo aanu ka soo qaadanay dhaqankayaga xoola dhaqatanimada ku salaynsan ee xeerka iyo geedka lahaa, oo xitaa markaanu jabhadda ahaynba dimuqraadiyadda adduunka ugu wacan ku dhaqmi jirey oo shan guddoomiye iska daba dooranay muddo toban sannadood guddahood ah?

Daahir wuxuu xalay Hargeisa ka yidhi waxaan loo fadhiyin: Wuxuu yidhi waxaan idiin qabtay waxaydaan weligiin qabsan karteen. Mandela-hiina ayaanan khaati ka joogaa oo i hortaagan. Manana arrintaa waxqabadka waa idinkaga rabaa. Waana guul taariikhiya oo dhaxal gala waxaan idiin qabtay! Annaguna waxaanu leenahay, taariikhdu addiga iyo Mandela-ha Somaliland kiina dalkan waxtaray haddiin kala marag furto, haddaad taa ogashahay, hana kala cadayso cidii sida saxa u heshay tartankii April, 2003 ee aad sheegtay. So, let history be the judge.


Farah Hersi

Abu Dhabi, UAE

fhersi2004@yahoo.com

No comments: