Wednesday, October 26, 2005

Xisbiyada KULMIYE Iyo Ucid Oo Xalay Ku Dhawaaqay Magacyda Musharaxiinta Shir Gudoonka Baarlamaanka

Hargeysa(HRG)- Labada Xisbi ee Mucaaradka Somaliland - KULMIYE iyo UCID - ayaa Heshiis rasmi ah ka gaadhay sida ay labada xisbi u qaybsanayaan xubnaha shirguddoonka Golaha Wakiilada, ka dib markii ay labada xisbi ee Mucaaradka ahi Aqlabiyad 60% ah ka heleen doorashadii Baarlamaanka ee dhacday 29 September, 2005.

Xaflad Caawa labada xisbi si wada jir ah ugu qabteen Hoteelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa ayaa waxa ay kaga dhawaaqeen in xisbiga UCID qaato Guddoomiyaha Baarlamaanka xisbiga KULMIYE-na qaato labada guddoomiye ku xigeen.
Xisbiga UCID ayaa waxa uu u soo sharaxay inuu noqdo guddoomiyaha Baarlamaanka Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi(Cirro) iyada oo labada guddoomiye ku xigeen ee xisbiga KULMIYE-na kala yihiin Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo Md. Baashe Maxamuud Faarax.

Heshiiskani waxa uu ka dambeeyay kulamo goos goos ah oo ay labada xisbi kaga arrinsanayeen maalmihii u dambeeyay sida ay u qaadanayaan doorkooda Mucaaradnimo, islamarkaana ay ugu midoobayaan xisbiga xukuumiga ah ee UDUB, oo isaguna olole ugu jira sidii uu u heli lahaa shirguddoonka Golaha.

Xisbiga UDUB ayaa doorashadii Baarlamaanka ee dhacday 29 September ka helay 33 kursi oo ka mid ah 82-ka kursi ee Baarlamaanka, halka labada xisbi Mucaarad heleen 49 kursi oo noqonaysa aqlabiyadda Golaha.

Xafladaas oo ay goob joog ka ahaayeen labada guddoomiye xisbi Mucaarad Md. Axmed Maxamed Siilaanyo Md. Faysal Cali Waraabe iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan labada xisbi, waxa ka hadlay Md. Maxamed Kaahin Axmed, oo Afhayeen u ahaa xubno guddi ah oo ku hawlanaa wada hadalada labada xisbi kaga wada hadlayeen heshiiska qaybsiga xubnaha shirguddoonka iyo arrimo kale.

Md. Kaahin, waxa uu ka waramay Marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray heshiiska labada xisbi xalay ku dhawaaqeen oo uu ku tilmaamay inuu yahay mid taariikhi ah.

Waxa soo weriyay Maxamed-Rambo, Hargeysanews.net
Email: editor@hargeysanews.net

No comments: