Monday, October 24, 2005

War Dagdag ah:- Xisbiga Kulmiye iyo Xisbiga UCID oo Maanta kala Saxeexday Hashiis ay ku Kala Qaateen Gudoomiyaha Baarlamanka iyo Labada Ku Xigeen.

War Dagdag ah:- Xisbiga Kulmiye iyo Xisbiga UCID oo Maanta kala Saxeexday Hashiis ay ku Kala Qaateen Gudoomiyaha Baarlamanka iyo Labada Ku Xigeen.

Kulan Baaladhan oo maanta ka Dhacay Caasimadda Hargeysa ayey labada Xisbi Mucaarid Ee Kulmiye Iyo Ucid Ay ku Kala Saxeexdeen Hashiis Ay ku kala Qaybsanayaan Gudoomiyaha Baarlamanka iyo Labada Ku Xigeen

Gudoomiyaha Baarlamanka JSL Waxa loo Saxeexay in uu Noqod Mudane Cabdirahamn Cirro oo ah Mudane Laga Soo Doorto G/Saaxiil

Gudoomiye Ku Xigeenka Koowaad Waxa loo Saxeexay in uu Noqodo Mudane Abdiaziz Maxamed Samaale G/Hargeysa


Gudoomiye ku xigeenka Labaad waxa loo Saxeexay in uu Noqodo Mudane Baashe Maxamed Farax G/S00l


Heshiiskan Waxa u Saxeexay Labada Hogaamiye Mucaarid kuwaas oo kala Ah Mudane Ahmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Mudane Faysal Cali Waraabe waxaana Goob joog ka ahaa Dhamaan Xubnaha Fulinta ee Labadaasi Xisbi,


Ilaa Hadda Ma Cada Waxa soo Dada-jiyay in ay Sidan Dagdaga ah ku Saxeexaan Heshiiska iyadoo Maxakamadda Sare aanay ansixin Natiijaddii Ka Soo Baxday Doorashaddii Golaha Wakiiladda ee ka Dhacaday Dalka 29/9/2005, Laakiin warar aanu helnay Ayaa Tiraabaya in cadhadii ay ka Qaadeen labada Xisbi Mucaarid Hadalkii Madaxweyne Reyaale uu Jeediyay shalay uu Soo Dadajiyay Talaabadani

Caawa Marka ay Saacadu Tahay 8:00 fiidnimo 24 bisha October 2005 Ayey Labada Xisbi ku qabsanayaan Xaflad Balaadhan oo loogu Dabaal-dagayo heshiiskan ay Wada Gaadheen labada Xisbi Xafladaasi waxa ay ka Dhacaysaa Hotel Mansoor Ee Magaaladda Hargeysa

No comments: