Saturday, October 29, 2005

DHAWR IYO TOBAN XUBNOOD OO AH XILDHIBAANADA UDUB AYAA SHEEGAY IN AY DIIDEEN IN AY U CODEEYAAN SHIR-GUDDONKA MADAXWEYNUHU OLOLAHA UGU JIRO


Xubno gaadhaya dhawr iyo toban oo ka soo baxay UDUB kana soo jeeda xubnihii la xuluufoobay UDUB xilligii ay doorashadu socotay oo ka soo jeeda ASAD, ayaa la sheegayaa in ay diideen in ay u codeeyaan Shir-guddonka Madaxweynhu ololaha ugu jiro shir ay wada yeesheen Madaxweynaha iyo xildhibaanadaasi. Warar aanu ka helay illo lagu kalsoon yahay, oo aad ugu dhuun daloola wakiiladaas ayaa noo cadeeyey in ay ku adkaysateen xildhibaanadaasi in ay masuuliyad qaran dusha u riteen, maanta shacbiga ay ku tahay khiyaamo haddii aanay si saxa oo ah hawl qaran u gudan waajibkooda.

Gacan ku saydhkaas ay ku gacan saydheen Madaxweynaha xildhibaanadaasi waxa ay dhaawac u keentay kalsoonida uu madaxweynuhu ku qabo gollaha wakiilada, sida aynu ognahayna markiisa horeba u badan xubnaha ka soo jeeda mucaaradka iyo iyadoo ay qayb wayn oo xildhibnaadii urukiisuna ku biirayaan xulufada mucaaradka. Waxaa ka mid ah xubnahaas qaar badan oo inkastoo ay Madaxweynaha ka soo wada jeedaan isku urur hadana aragti ahaan ay aad u kala fog yihiin.

Mar aanu isku daynay in wararka noocaas ha wax ka waydiino xildhibaanada qaarna way ka gaabsadeen in ay nagala hadlaan arrinta suuqa ku jirta. Dhinaca kale waxa xalay oo dhan socday olole ay bilaabeen masuuliyiinta waaweyn ee xukuumadu oo lagu uruurinayey dhamaan xildhibaanada lagu tuhunsan yahay gaabiska oo shir loo qorsheenayey danbe in lala galo.
Sida ay doonto ha haatto xaqiiqada dhabta ahiye waxaa cad in ay u egtahay ololaha xukuumada ee ku wajahan shirguddoonku mid maalin walba ay ka horimaynayso caqab hor leh.

XIGASHO Somalilandfuture Online

No comments: