Friday, October 28, 2005

Xisbiga Ucid Oo Beeniyey Inuu Jiro Wada Hadal Udub U Socda

Somaliland.Org — Hargeisa, Somaliland — 27 October, 2005
Wergeyska Haatuf war uu dhawaan qoray oo uu ka soo xigtay Guddoomiyaha Guddida Siyaasadda ee Xisbiga UDUB Mr. Axmed Xaashi Sheegay in wada hadal uu u socdo Xisbiyada UDUB iyo UCID, haddaba Caawa Fiidkii ayaan khadka telephone-ka kula xidhiidhay Guddoomiyaha Xisbiga UCID Mudane Eng. Faysal Cali Waraabe, wuxuuna Guddoomiye Faysal ii xaqiijiyey inaan haba yaraate aanay jirin wax wada hadal ah oo labada Xisbi ee UCID iyo UDUB dhex maray kuna saabsan Shir Guddoonka golaha Wakiiladda.

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe wuxuu intaasi iigu darray in heshiiskii labada Xisbi ee UCID iyo KULMIYE keliya uu jiro wax rasmi ah oo Xisbiga UCID xisbi kale la gallay, sidiisiina uu Heshiiskaasi laba geesoodka ah ee UCID IYO KULMIYE u jirayo.

Sidoo kale Maanta ayaa wergeyska Jamhuuriya sida uu u sheegay Afhayeenka Xisbiga UCID Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan wuxuu ku beeniyey sheegashada Guddoomiyaha Guddida Siyaasadda ee Xisbiga UDUB uu shallay ku sheegtay wada hadal u socda Xisbiga UCID iyo UDUB, wuxuuna ku tilmaamay afhayeenka UCID sheegashadaasi mid aan sal iyo raad toona lahayn.

Mohamed Abdi Hassan (diridhaba)Somaliland.or Hargeysa Reporter

No comments: