Sunday, October 23, 2005

Faysal Cali Waraabe Oo Ka Jawaabay Shirkii Jaraa,id Ee Madaxweynaha Somaliland Ee Maanta


“Waxa Nasiibdaro ah inuu Madaxweyne Rayaale talada u qaato Marka layidhaahdo waa lagula talinayaa in yidhaahdo waad ila xukumaysaan, Waanadana uu u qaato waad ii Hanjabaysaan asiibdaradiisu horta waa taa”.Sidaana waxa yidhi Gudoomiyah Xisbiga Mucaaridka Ing:Faysal Cali Warabe oo Daadufadeeyey Shirkii Jaraa’iid ee uu Maanta qabtay Madaxweyne Rayaale
Gudoomiyah xisbiga mucaarika ee UCID Ing:Faysal Cali Waraabe ayaa daadufadeeyey shirkii jaraa’iid ee uu maanta qabtay Madaxweyne Rayaale o uu yidhi Maanta Madaxweyne Rayaale dalka sidaa ku wadi maayo markaa Somaliland cadowga qudhaata ee ay leedahay waa hogaan xumada Rayaale.

Waxa nasiibdaro ah inuu talada u qaato marka layidhaahdo waa lagula talinayaa uu u qaato waad ila xukumaysaa marka waanada uu u qaato waad ii hanjabaysaan asiibdaradiisu horta waa taa.

Horay wey u fiicantay inuu hadlo madaxweynuhu inkastoo hadalkuu uu aha hadal habsaamay halkii looga baahnaan aanu kahadal uu bilaabay anaga iyo gudoomiyaha KULMIYE Canaanto.
Waxa halkan ka muuqata inaanu madaxweynuhu aanu fahmin axsaabta siyaasada loo dhiso iyo xidhiidhka u dhaxeeya ninka mudanahaa iyo xisbiga, waxa weeyee mudanayaasha la soo doortay waxay fagaaraha tagayaan siyaasada xisbiga iyo Programkooda waana siyaasad la doonayaana inay dalka ku hogaamiyo waxa turjumaaya baarlamaanka ee maaha nin baarlamaani inuu kuwii sidii hore inuu wixii ku soo dhaca uu isaguun ka fikiro maahaa markaa waxaad aragtaa inuu madaxweynuhu halkaa ka soo horjeedo inuu siyaasad xisbi oo program leh stratijiyad xanbaarsan yahay inay baarlamaanka ay timaado wuxuu dib ugu celinayaa sidii tii ahayd beelaha ee qasnayd, wuxuuna dib ugu celinayaa tii aan sheegayey wuxuu madaxweynuhu jecel yahay inuu waxkastaa shakhsiyadeeyo.

Hadii aad Rayaale imika u tagtid ma wado siyaasad xisbina mid qarana uma guntana mid gudana uma guntana mid gaarina uma guntana waana ka eber (o), markaa hadii uu waayey kiwiisa wax uu u xabaariyo inuu kuwayaga yidhaahdo way ka madax banaananayaan waxba ma leh waa sidiisu u fikirayaa ee sidaa anagu uma fikirayno.
Waxaan gaynanaa Political Programkayaga meesha mooshinkasta oo yimaadana anaga ayey nalagu soo noqonayaa oo wixii aanu ka yeeli lahayn iyo wixii aanu ka odhan lahayn, waana nasiin daro inuu madaxweynihii dhamaa inuu daadifadeeyo labadii gudoomiye mucaarid oo uu yidhaa wax jira maaha waaba aqoondarada ka muuqata oo uu wadanka uu wadi kari waayey waanay muuqataa halka madaxweynuhu wax ku dhuftay oo uu yidhi axsaabi majirto oo wakiildadoodu ma israacsana.

Waxaanu madaxweynaha u sheegaynaa hadii uu talada diido oo uu yidhaahdo waad ila xukumaysaan sharcigaa uu sheegaya ayaan ku kala baxaynaa awood waxaanu uleenahay oo aan baarlamaanka u xanbaarinaynaa in dasduurka labedelo oo awooda uu ku faanayo aan yareeno oo aan ka dhigno hab baarlamaaniya oo ah kaa uu leeyahay waxba ma samayn karaan ayaan xoogaysiinaynaa waxaanu madaxweynaha tusaynaa inuu mucaaridku helay aqlabiyada waana diidmo ladiidan yahay hogaankiisa hadii hogaankiisu ku faanayo nabadgelyadan shacbiga u keenay ee aan anagu lawadno oo uu siyaasadiisa lagu faanay baarlamaanka aqlabiyada waa loogu darilahaa waana caynkaas hogaanka markaas jooga marka baarlamaanku socdo ayaa laga gartaa hogaanka madaxdaas hadii ay doorashada markaa jirtana ay helaan aqlabiyada waa lagu taageerayaa hadii baarlamaanka uu ay ku yaraadaana waa laga soo horjeeda waxaanan hubaa inaanu ina Riyaale 15% aanu haysan hogaan! kiisu inta kalena uu UCID kaxaday markaa hadii madaxweynuhu qiyaasi kari waayey dareenkii umada oo uu odhan waayey maxay axsaabtu ugu bateen aqlabiyadii oo uu ka soo saari waayo hogaan xumadaada waa mid nasiib daro ah maanta haysata shacbigeena inuu madaxweyne garanwaayey codkii waxa lagaga helay siyaasad xumo hogaan xumo wasiir badnaan wadankii oo fadhiidoobay iyo wadankii oo badhlahaysto wax uu ku faanana ma jirto madaxweyne rayaale tuu kufaanayana anagaa doorashadana anagaa dhalinay madaxweyne rayaale heshiisbuu kula ahaa baarlamaankii hore inaanay doorasho dhicin gurigiisa lagu qayili jiray oo xeerkii ladabrayo waa lasiin jiray Koonfur Afrika wuxuu u tagay go’aanka ku sii dhawaaqa markii shacbiguu iyo anagu aan kacnay ayuu barashuudka ku booday taana kuma faani karo doorashadiina uu ka soo horjeeda waxaanu uga soo horjeeda waxa uu doonayaa inuu qabyaaladeeyo wakiiladii ku soo baxay axsaabta .

Markaa madaxweyne rayaale dalka sidaa ku wadi maayo markaa Somaliland cadowga qudhaata ee ay leedahay waa hogaan xumada Rayaale.

Source: Hadhwanaagnews

No comments: