Saturday, October 22, 2005

WALAACA XUKUMADA DALKA EE MADASHA BAARLAMAANKA IYO SADDEX IYO SODONKA MUDANE EE AQALKA KU XARAYSAN.

Walaaca iyo walbahaarka ku xeeran xisbiga UDUB iyo xukumada dalka ka talisa ayaa waxay daahfuraysaa dhaqdhaaq iyo is xog waraysi madaxweyne Daahir Riyaale kula kulamay xubnaha baarlamaanka cusub ee xisbigiisa UDUB, arintan kala godobsiga baarlamaanka dalka ee Daahir hormoodka u yahay oo abuurtay dareen xoogan iyo shaki iftiimiyey doorka xukumada iyo boobkii ay dalka awelba ku haysey iyo sidii ay isaga gufayn lahaayeen dhamaan xaqiiqda iyo cadaalada hadalada baarlamaaka cusub ee soo fool leh.

Arinta oo ah runahaantii asbaabahii loo doortay baarlamaankan hada sidan ay ahayd, hadaba gudoomiyaha UDUB, ahna madaxweynaha dalka, ahna cadaalad ku tuntaha ugu weyn ee dastuurka iyo hanaan socodka heerka dowladnimo ayaa 33 xildhibaan ee xisbigiisa iyo 50 wasiir iyaga oo isku duuban lagalay shir qarsoodi ah, isla markaasina kala hadlay sida ay ugu hungoobeen doorshadii dalka ka dhacday iyo dirqiga ay nirigta ku dhashay, ayaa waxa uu u sheegay xubnahan in aqlabiyada baarlamaanka asxaabta mucaaridku ka wataan.
Waxaa kale oo madaxweynahu u sheegay xubnahaasi in wax badan iska bedeleen heerkii hore ee baarlamaanka, maantana la galay weji cusub, loogan baahnyahay baarlamaanka iyo dhamaan masuuliyiinta dowlada inay ku dadaalaan sidii kursiga baarlamaanka uuna u dhaafi lahayn xisbiga UDUB ee aynu ka tirsannahay dhamaanteen.

Waxaa kale oo wadax weynahu isagoo hadalkiisii sii wata uu u sheegay xubnahan in hadalkani banaanka inooga bixin ee aynu hawsheena u wadano si hoos hoos ah inta aan gaadheyno ujeedada maanta inoogu culus ee ina hor taala.
Madaxweynahu waxa uuna talada ku darsan in ragan baarlamaanka ah ee uu la kulmay si kale loo xukumo oo ay jiraan dad iyo deegaano ay ka soo jeedaan oo meesha keensaday, arintuna ka duwantahay midii berigii hore.

Madaxweynahu waxa uu ugu deeqay xubnahan baarlamaanka guri dowladu leedahay oo ahaa kii uu marxuun Maxamed ibraahin Cigaal dejiyey markii uu u laylinaayey siyaasada iyo booska madaxweyne ku xigeenka dalka, gurigaasi oo ay ahayd in madaxweynahu ku celiyo cida masuuliyadiisa leh, mar hadii uu u guuray mid ka mudan oo ah gurigii dalka looga talinayaayey.
Xubnahan baarlamaanka ee 33 ah iyo 50 wasiir ayaa loogu wareejiyey gurigan si ay halkaasi uga wadaan arimo badan oo ka dhan ah dalka iyo dadka isla markaasina, keliya dan u ah nimankan arintani u dhaxayso ee dhamaan ku bahoobey xisbiga UDUB, warar aad loogu kalsoonyahay ayaa waxay sheegayaan in jaadka iyo xaabadiisa ay xukumadu balan qaaday oo laga soo keeno kastanka kalabaydh. Waxaanu xaga kharshaadka u xil saaray wasiirka maalida mr Cawil Cali Ducaale iyo rag kale oo la shaqyn doona.

Hadaba maanta oo dadku filaayey cadaalad iyo dabakhaad heerka dhabta ah ee dimuquraadiyada ayaa markii xukumadii iyo xisbigii UDUB ay iska qiiroodeen oo halkoodii ay u dhurteen.

Dhinaca kale maanta waxaa la gudboon asxaabta mucaaridka ah oo aad moodo in xisbiga UCID kalsooni aad u balaadhan uu ka helay somaliland guud ahaan, welina dad aad u badan ay danaynayaan go,aanka maamul ee xisbiga inay yara jeedaaliyaan oo hadii dariiqii lagu talo galay uu qaado dad aad u badan oo kale ku soo biiri doono mustaqbalka iyo doorashooyinka soo fool leh ee ugu horeeya. iyo weliba xisbiga KULMIYE oo isagu aqlabiyad aad u balaadhan haysta, oo weliba ay ku bahoobeen raga sumcad wanaagsan dalka ku leh siyaadu waa halkeedee marka runta loo gonda dego.

labadan xisbi ayey ka gontahay cida booska gudoomiyaha baarlamaanku raaci doono sadexda xisbi, iyagoo weliba ka tabaysanaya munaafaqada iyo af soo yuubka beenta ah ee xukumada Daahir Riyaale oo ku hawlan sidii ay baarlamaanka xalaasha ah u kala xadi lahayd. Waxaana laga yaabaa inay baarlamaanka sameecad UDUBAYSAN la dhex iman doonaan rag aan si sharci ah u soo baxin oo faataxo laysugu soo daray .

SOOYAAL HARGEYSA SOMALILAND

No comments: