Sunday, October 02, 2005

Gudoomiyaha komanshinka Gobolka Togdheer ayaa noo Sheegay.


Hawshayadii doorshada Golaha Wakiilada gobolka laga soo bilaabo maalintii cod bixinta ilaa maanta oo lagu jiro intii u danbaysay tirinta codadka oo ku dhaw dhamaad, wax mushkilad ah oo aan la kulanay majirto, wayna soo xeroodeen Sanaaduuqdii gobolka oo dhan sanduuqii ugu danbeeyay, waxaa uu nasoo gaadhay 30kii Sept maqribkii.

Cod tirinta ma odhan karo waqtigaa ayay dhamaanaysaa laakiin in ay deg deg u soo geba geboodo ayaan rajaynayaa insh.alaa, sidaa waxaa gelinkii hore ee maanta ku waramay maraan tagnay xafiiska komishanka Gudoomiyaha gudida komanshanka gobolka Togdheer Mudane: C/risaaq (Arnab).

Waqtigaa oo maalinta gelinkeedii hore ahaa waqtiyadan xaadirka ah ee la joogo wararka komanshinka ka imanayaa waxaa ay sheegayaan in cod tirintii gebo gebo ku dhawdahay oo saddex sanduuq oo kali ahi ka hadhay sidaa darteed warka kama danbaysta ahi waxaa uu soo baxayaa maalinta Axada ah taariikhdu tahay 02/10/005 hadii mudo la soo hayay xisbi hebel ayaa horeeya ama musharax hebel cid waliba waxay ogaan wixii ay heshay ee gobalkan Togdheer maalinta Axada hadii eebe idmo

Haybe Cismaan Nuur
Burco, Somaliland

No comments: