Monday, October 17, 2005

Saala-saalyasaye walee saakaan lagaa hadhin


Waxaa mahad leh Alahii weynaa ee kal keenay Komishankii & Codadkii musharaxiinta ee wakhtiga badan laga naawilaayey.

Ruug cadaayada u kuur gala soo jireenkii siyaasada Somaliland ayaa sidii natiijadii Golahu u soo baxdayba aad moodaa inay xidhiidh hooseed hor leh yeesheen. Iyagoo falanqaynaya cida ay la tagi doonto mowjadahan siyaasadeed ee ugub.

Haddaba markii ay isla wada eegeen, habkii uu Aw Rayaale ugu qaybshay xertiisa waajibaadka laga rabo iyo guulaha laga filayo inay soo fuliyaan, iyagoo raacaaya arimaha ku xusan Buuga Cagaaran ee UDUB ee Aw Rayaale hormoodka ka yahay. Buugaas oo la sheegay inay karaamadiisu aad u dheehantahay, xerowga ka soo bixi waaya howshiisana ay karaamadiisu qabanayso. Sidaas bay markaa xertii "Wasiiraddii" uugu ku kala hayaameen meelahoodii.
Haddaba, sida iminka cad, waxay saadaaliyaasha siyaasadu sheegayaan in ay habaarkii Aw Rayaale qaar badan la boodayso. Iyagoo markay, mid-mid isu barbar dhigeen eegaya siday ugu kala guulaysteen arimihiin loo igmaday.

Ka dib markii ay ku soo xeroodeen codadkii magaalo madaxyadii gobolada lana helay sida loo kala helay, ayey bilaabantay in xertii kala baxaan. Taasoo qaarna guul ay u soo hoyatay oo karaamadii Aw Riyaale raacday, qaarna ku soo fashilmeen oo habarkii Aw Riyaale tusha ka fuulay.

Haddaba, waxay saadaaliyaashu, ka dib markay isla gorfeeyeen uga soo baxday shaxda in xerta intii aan waxba soo hoynin aanay soo noqod lahayn, cafiskuna ka dheer yahay.
Haddaba waa kuwee inta codadkii shaxda buuxin kari waayey?
Marka gobol-gobol shaxda loo balaadhiyo, xerow kastana gobolkiisa korka lagaga qoro, waxaa soo baxaysa markiiba sidan:

Gobolka Sanaag:

Xerow-Ina Ducaale, oo kula baxay Ceel-afweyn "Harag madhan side" -Xildhibaano = ibir

Gobolka Hargaysa:

Xerow- Ismaciil Yare kuna can ah "Faqash" " Xidhibaano = Ibir.

Gobolada kale, xertii loo diray way ka badbaadeen taa ku dhacday qolooyinkaa aynu kor ku xusnay. Haddaba, maanta waxay u eeg tahay in labadii ugu cadcadaa xerta Rayaale inay ku caasiyeen Buugii Caagrnaa ee UDUB, Aw Rayaale habaarkiisiina ku hamsaday. Finiinka hadhayna bal waxaynu eegnaa shida ay shaxda ugu kala horeyn doonaan.
Wixii ka soo baxana, cadadada danbe ayaanu idinkula socodsiin doonaa.

Ahmed Hassan Ahmed "Quick"

No comments: