Saturday, October 22, 2005

KOMISHANKA DOORASHOOYINKA OO NATIIJADII KU MEEL-GAADHKA AHAYD U GUDBIYEY MAXKAMADA SARE


Komishanka Doorashooyinka Qaranka ayaa si rasmi ah ugu gudbiyey maxkamada Distooriga ah ee qaranka Natiijadii Doorashada Golaha Wakiilada oo dhamaystiran oo ay ku lifaaqan yihiin Liiskii Musharixiinta Guulaysatay, kuwa kaydka Noqonaaya iyo documantiyadii taageerayey Natiijada Doorashada 17.10.05,.

Sidoo kale, Komishanka Doorashooyinku waxaa u soo saaray qoraal kale oo uu ugu sheegayo seddexda Xisbi Qaran inaanu qaban Karin wax dembe oo cabasho ah oo ka yimaada Axsaabta iyo Musharixiintooda.

Sidaa darted, waxay arintu noqonaysaa in cidii dacwad qabtaa ay u gudbinayso maxkamada Distooriga ah, taasoo go’aan ka gaadhaysa.

Somaliland Future Online Hargeisa

No comments: