Friday, October 14, 2005

Komishanka Doorashooyinka Qaranka Oo Ku Dhawaaqay Natiijada Hordhaca Ah Ee Gobolka Sool.

Somaliland.Org — Hargeisa, Somaliland — 12 October, 2005
Hargeysa (SL.Org) – Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Qaran, Mr. Axmed X. Cali Cadami ayaa maanta ku dhawaaqay natiijada hordhaca ah ee doorashada Golaha Wakiillada ee Gobolka Sool.

Guddoomiyaha Komishanku shir jaraa’id oo uu ku qabtay xafiiskiisa Hargeysa, waxa uu sheegay in Lixdii kursi ee ay saddexda xisbi ku tartamayeen ay u kala heleen; saddex kursi oo uu ku guuleystey xisbiga UDUB, laba (2) kursi oo uu helay xisbiga KULMIYE iyo Hal (1) kursi oo Xisbiga UCID ah.

Waxayna kala yihiin musharaxiinta tartamayaasha ah ee Guuleystey iyo xubnaha aan iyagu tartamayn, balse xisbiyadu ku kala helayaan codadka ay kala helaan (proportional):-
XISBIGA UDUB

1. Aadan Tarabi Oogle 2586 cod2. Maxamed Dhunkaal Guutaale 2166 cod3. iyo Xariir Siciid Bullaale 1923Xubnaha Proportional-ka uu xisbiga UDUB ku helayna waxay kala yihiin:
1. Maxamed Axmed Dhakool2. Saleebaan Yuusuf Cali Koore3. iyo Cabdiraxmaan Muuse Jaamac
XISBIGA KULMIYE

1. Ibraahim Axmed Reygal 21902. Axmed Ducaale Bullaale 2072Xubnaha xisbiga KULMIYE ay u soo saareen labada tartamena waxay kala yihiin:
1. Baashe Maxamed Faarax2. Maxamed Jaamac Cabdi

XISBIGA UCID
1. Cabdulqaadir Askar Xasan 10702. Iyo Siciid Maxamed Cilmi oo isagu ah xubnaha aan tartamayn (proportional).

Gobolka Sool oo doorashadu ka dhacday labada degmo ee Caynabo iyo Yagoori, waxa sanaadiiqdiisii cod bixinta loo soo qaaday xarunta dhexe ee Komishanka, kadib markii khilaaf xoog lihi ka dhashay tirinta laba sanduuq oo lagu muransanaa. Hase yeeshee, dhammaan sanaaduuqdii lagu muransanaa waxa tirtiray guddiga dhexe ee Komishanka.
Gobolka Sool waa gobolkii shanaad ee natiijada hordhaca ah ee doorashada lagu dhawaaqo, ilaa iyo haddana waxa hadhay Gobolka Hargeysa oo isagana khilaaf xoog lihi ka soo cusboonaaday ilaa xalay tirinta codadka.

Cabdirisaaq M. Dubad, Hargeysa.

No comments: