Friday, October 14, 2005

Taliyaha Bileyska Kooxda Jawhar Ee Madaarka Hargeysa Laga Celiyey Oo La Xaqiijiyey Inuu U Socday Hawlo Basaasnimo


Hargeysa, October 12, 2005 (Haatuf) – Ninka ugu magacaaban taliyaha bileyska kooxda Jawhar Cali Maxamed Xasan ee Axadii ay ciidamada socdaalka Somaliland ka celiyeen madaarka Hargeysa ayaa siday Haatuf soo xaqiijisay u socday hawlo basaasnimo ah oo uu ku doonayey inuu wax kaga ogaado arrimaha ciidamada Somaliland ee degen jiidaha hore ee gobolka Sool.Ninkan oo ku magac dheer (Cali Madoobe) waxa uu dayuurad u kireysan hay’adda Qaramada Midoobay ka soo raacay magaalada Jawhar, 9-kii bishan “axadii”, waxaanay dayuuradaasi soo caga-dhigatay madaarka Hargeysa isla duhurkii maalintaasi, iyada oo ninkaa qorshihiisu ahaa inuu laba habeen u hoydo Hargeysa, dabadeedna uu dhulka maro, oo intaanu Laascaanood gaadhin uu ku sii hakado magaalooyinka Burco, Caynabo, Oog iyo Yagoori.

Hase yeeshee ciidamada sirdoonka iyo laanta socdaalka oo la socday muhiimada uu ninkaasi u socdo ayaa iska hortaagay inuu dayuuradii uu la socday ka soo dego. Waxaanay duuliyihii dayuuradaa u sheegeen in ninka rakaabka ah ee magaciisa la yidhaa Cali Maxamed Xasan aan loo ogolayn inuu dalka Somaliland soo galo, maadaama uu ka tirsan yahay xukuumad si sharci darro ah u sheeganaysa inay ka taliso dhulka Jamhuuriyada Somaliland, waxaanay duuliyihii amar ku siiyeen inay ninkaa ku celiso dalka Somaliland la jaarka ah ee Soomaaliya.

Waxaanay Haatuf soo xaqiijisay in dayuuradii dhigtay magaalada Boosaaso

No comments: