
Sadasha Wargeyska OGAAL oo uu ku sheegtay inay aqlabiyada kuraasta Gobola Hargeysa ay ku Guulaysandoonaan Xisbiyada Mucaaridka. Oct-11-2005
Hargeysa-(HWN)-Wargeysaka Ogaal oo ka mida wargeysyada ka soo baxa Magaalad Hargeysa ahna Wargeys Afdheer ayaa saaka waxa uu bogiisa hore ku daabacay saadaal oo uu ku sheegay inay aqlabiyada kuraasta Gobolka Hargeysa ku guulaysadoonaan Xisbiydda Mucaaridka ahi, Waxa uu wargeyska Ogaal saadaashiisa ku sheegay inay sadexda xisbi ay u kala heleen kuraastii Gobolka Hargeysa ee ahayd 20-kursi sidan tan
Xisbiga KULMIYE = 9 kursi
Xisbiga UDUB =5 kursi
Xisbiga UCID = 7 kursi
Gobolka Hargeysa oo ah Gobolka gobolada ay Somaliland ay ka kooban tahay ka ugu kuraasta badnaa ayaa sida uu wargeysku sheegay waxa natiijada la filayaa in lagu dhawaaqo caawa ama berito.
Waxaanu wargeysku intaa raaciyey inay aqlabiyadii kuraasta Gobolka ay ku guulaysandoonaan Mucaaridku.
No comments:
Post a Comment