Tuesday, October 04, 2005

Saadasha Sida Sadexda Xisbi U Kala Heleen 82 Kursi Ee Baarlamanka Somaliland Lixda Gobol Ee Dalka.


Somaliland.Org — Hargeisa, Somaliland — 03 October, 2005
Hargeisa (Somaliland.Org) Kadib markii ay soo gebo gebowday tirinti codadka doorashada Baarlamanka Somaliland ee dalka ka dhacday 29kii bisha September. Iyada oo aanu weli Koomishanka qaranka doorashadu si caam ah ugu dhawaaqin, ayaa waxa noo suurta gashay odoros aan ku samaynay goboladda dalka iyo sida sadexda xisbi usoo kala baxayaan inan idiin soo gudbino.

Waxa jirta in gobolada qaar, sida Sanaag, Saaxil iyo Togdheer ay dhamatay tirinta codadku, halka Degmooyinka Caynaba iyo Gebiley weli socdaan. Sidaas darteed, qiimeynta iyo odoroska aan ku samaynay waxa uu ku salaysan yahay, qayb ahaan, xaqiiqoyin dhab ah iyo tirin codad, halka qaybta kalena ku salaysan tahay xogo aan ka helnay ilo muhiim ah oo xog'ogaal u ah tirada codadka.

Saadasha shebekadda Somaliland.org idiin samaysay sida sadexda xisbi qaran u kala heli doonan kuraasta baarlamaanka Somaliland ee lasoo doortay, iyo inta xisbi walba ka helayo ama ka helay, waa sidatan ee akhris wacan:

GOBOLKA AWDALKULMIYE: 3 KursiUDUB: 7 KursiUCID: 3 Kursi

GOBOLKA HARGEYSAKULMIYE:9 KursiUDUB: 6 KursiUCID: 5 Kursi

GOBOLKA SAAXILKULMIYE: 2 KursiUDUB : 4 KursiUCID: 4 Kursi

GOBOLKA TOGDHEERKULMIYE: 7 KursiUDUB: 5 KursiUCID : 3 Kursi

GOBOLKA SOOLKULMIYE: 7 KursiUDUB: 4 KursiUCID : 1 Kursi

GOBOLKA SANAAGKULMIYE: 6 KursiUDUB: 4 KursiUCID : 2 Kursi

WADARTA GUUD: KULMIYE: 34 - UDUB: 30 -- UCID : 18

Waxa lagu wadaa in sadexda maalmood ee soo socda gobolada badankooda lagu dhawaaqi doono natiijada gobol kasta, haddii Eebe idmo.

Qiimeynta iyo odoroska aan natiijadan ku samaynay waxa dhici karta ugu badnaan khalad aan ka badnayn 3 cod in uu ku jiro ama soo baxo oo sadexda xisbi u kala baydha.

Tafaasil Dheerad ah Gobolodda Togdheer, Sanaag iyo Sool:--

Gobolka Togdheer xisbiga KULMIYE waxa uu helaya 6 kursi, UDUB 5 kursi, UCID 3 kursi, taaso isku ah 14 kursi. Waxa baaqi ahaa oo gooni loo dhigay kursi loo qoondeyey degmadda Buuhodle oo aan laga codeyn, hase yeeshe, xisbiga hela aqlabiyadda gobolka Togdheer uu soo magacabayo. Sidaas darteed, maadama uu xisbiga KULMIYE haysto 6 kursi oo ka kuraas badan yahay labada xisbi ee kale gobolka Togdheer isaga ayaa kursiga degmadda Buuhodle qaadanaya. Taasina waxay wadarta guud ee xisbiga KULMIYE ka helayo gobolka Togdheer ka dhigaysaa 7 kursi.

Gobolka Sanaag ayaa waxa jira laba kursi oo aan lagu tartamin, kuwaas oo labada xisbi ee kuraasta ugu tirada badan ka hela gobolka kala qaadanayan. Sidaas darteed, labada xisbi ee UDUB iyo KULMIYE ayaa labada kursi ee aan lagu tartamin ee gobolka Sanaag kala qaatay, maadama ay yagu ugu kuras badan yihin gobolka.

Gobolka Sool waxa lagu tartamay lix kursi halka lix kalena aan lagu tartamin. Lixda kursi ee lagu tartamay ayaa sadex ka mid ah waxa helay xisbigia KULMIYE, halka xisbiga UDUB helay laba kursi, UCID na hal kursi helay. Sidaas darteed, lixda kursi ee hadhay, maadama uu ka kuraas badan yahay labada xisbi ee kale, xisbiga KULMIYE ayaa afar ka mid ah qaadanaya, taaso wadarta KULMIYE ee gobolka Sool ka dhigaysa todoba (7) kursi, halka labada kursi ee kalena xisbiga UDUB qadanayo, taaso wadarta xisbiga UDUB ee gobolka Sool ka dhigtay afar (4) kursi.

Somaliland.Org
Editorial Board

No comments: