Tuesday, October 04, 2005

Tirada xisbiyada kala heleen degmada Saylac iyo guud ahaan kuraasta Gobolka Awdal

Hashim Goth: ANN - BOORAMA, 3 Oct. 2005--Waxa Awdalnews soo gaadhay waraaq ah tiradii ay kala heleen Degmada Saylac Axsaabtu iyo cidda kala hogaaminaysa Xisbi walba waana sida soo socota:

Saylac :
UDUB..............................11388 cod
KULMIYE......................... 2835 cod
UCID............................... 1736 cod

Degmada Saylac waxa ugu cod badan Cali Sh. Ibraahim Araye oo leh 5287 cod oo UDUB ah waana xildhibaankii Beesha Ciise, Kulmiye waxa u cod badan Degmada Saylac Mahdi Gees 2184 Cod, UCID waxaa u cod badan Degmada Saylac Muuse Hoosjeed 412 cod.
Haddaba sida ay sheegayaan wararka soo baxayaa Guud ahaan Gobolka Awdal tirada kuraasta saddexda xisbi kala heleen waxay tahay:

UDUB...............7 Kursi,
KULMIYE...........2 Kursi,
UCID..................3 Kursi

Qaybtaasi waa marka lagu daro 25kun oo la sheegay in ay ka codeeyeen degmada Lughaya oo la soo sheegay in ay UDUB ku leedahay 19kun. Sidaa awgeed tirada Guud ee Awdal waxay noqonaysaa 130,000, halka murashaxna wuxu ku soo baxayaa 10kun oo cod.

Natiijada kor ku xusani waa mid ku salaysan wararka ka soo liigaya dadka tirinta codadka goob jooga u ah ee weli Komishanku kama soo saarin bayaan rasmi ah. Haddiise tirada lagu ansixiyo sida hadda muuqata kuraasta waxa loo kala helayaa sida aan dul ku xusan.

Xigasho: ANN

No comments: