Thursday, October 27, 2005

Waxaad Moodda Inay Dhabawday Kaftankii Ahaa "U Sheega Riyaale Inuu Madaxweyne Yahay, Haddii Uu Rumaysan Waayana Ugu Dhaarta!


"Somaliland.Org — Hargeisa, Somaliland — 26 October, 2005
WERAYSI DHINACYO BADANLEH OO AANU LA YEELANAY GUDDOOMIYAHA XISBIGA KULMIYE EE GOBOLKA HARGEYSA, ENG. CISMAAN CABDILAAHI CIGAAL (HINDI)

Iyadoo dhawaan uu Shir Jaraa'id ku qabtay Xafiiskiisa Madaxweyne Riyaale, dhinaca kalana Labada Xisbi ee Mucaaridka ah ee KULMIYE iyo UCID ay kala saxeexdeen Heshiis Laba Geesood ah oo ay ku wadaagayaan Shir Guddoonka Golaha Wakiiladda ayaa waxaan waraysi dhinacyo badan taabanaya kula yeeshay Xafiiskiisa magaalada Hargeysa Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE ee Gobolka Hargeysa Eng Cismaan Cabdilaahi Cigaal (Hindi) ahaana isagu Sarkaalkii ugu sareeyey ee Xisbiga KULMIYE u qaailsana Hawlahii tirinta Cododka una joogay Xarunta Koomishanka Doorashooyinka Qarranka.

Haddaba waraysigu wuxuu u dhacay sida tani:

Su'aal: Guddoomiye Cismaan Marka hore ku soo dhawaw waraysigani oo shabakadda wararka ee Somaliland.org kula yeelan doonto marka xigta, Doorashadii Golaha wakiiladda Xisbi ahaan tirada Kuraasta aad ka hesheen ma ku qanacsantahiin, Sidayna u dhacday?
Jawaab: Inkasta oo cadaadis, Cay iyo Caga-juglayn badani nagaga timid xagga Xukuumadda hantidii qarrankana ay keli ku ahaayeen indhahana ay ka qarsadeen Heshiiskii la wada saxeexay ee anshaxa doorashada (Code of Conduct) , Wasiiradda Xukuumaddanu fara-gelin toos ah iyo cay iyo caga juglayn ay nagu hayeen xag xagasho badanna ka muuqatay oo ay ku dagaalamayeen Ciddiyaha, Guddidiyadii Fullinta Qaar ka mid ahna la xidh-xidhay, gawaadhidii Koomishanka Doorashada Qarranku siiyey fasaxa dhaq dhaqaaqana laga dhigay, Haddana waxaan ilaahay ugu Mahad Naqaya in doorashadii inoogu qabsoontay Si Nabad Gelyo ah, Taasina Mahadeeda ay leeyahiin shacabka Somaliland, dareenkayguna wuxuu yahay, in Sixitaan iyo toosintii aynu ka dhursugaynay Muddada dheeri ay si deg deg ah inoogu qabsoomi doonto Insha allahu tacala, Hadaan usoo laabto Su'aashada labaad ee ma ku qanacsantahiin tirada Kuraasta Baarlamaanka ee aanu ka hellay guud ahaan dalka oo dhan, iyadoo ay jirtay waxaa aan kor ku soo sheegay oo dhan haddana waxaanu ugu mahad naqayna ummadda reer Somaliland sida fiican ee kalsoonida leh ee ay Codkooda noogu hureen.

Su'aal: Bal ka waran dareenka aad Xisbi ahaan ka qaadateen Shirkii Jaraa'id ee Madaxweyne Riyaale Dhawaan ku qabtay Xafiiskiisa Madaxtooyada ee sida weyn ugu dhaliilay Guddoomiyahanii xisbiga KULMIYE sideedse guud ahaan u aragta Shirkaasi Jaraa'id?
Jawaab: Waxaa la filaayey Shirkaasi Jaraa'id haba la daaho eh, inuu u Hambalyeeyo Guusha usoo hoyatay Umadda reer Somaliland ee ay horseed u ahaayeen Seddexda Xisbi Qarran, , Haayadaha ammaanka Qarranka, Koomishanka Doorashooyinka Qarranka, Ardayda Jaamcadaha, Ururada Bulshada iyo dhammaan Shacbi-weynaha Reer Somaliland, laakiin Shirka Jaraa'id ee Madaxweynaha waxaa ka muuqatay Qosol Gariir!! Kalsooni Darro, aflagaado, Bisayl la'aan siyaasadeed iyo dafiraad uu Madaxweynahu dafiray Guushii iyo waxqabadyadii kala duwana ee Shacabka reer Somaliland kasbadeen laga soo bilaabo Aas-aaskii SNM, dibu-xorayntii Somaliland iyo Dhisidda Dimuqraadiyadda maanta aynu hayno wadadeedii oo ragga Hormoodka ka ahaa uu ka mid yahay Mujaahid Axmed Maxamed Maxamoud (Siilaanyo) oo ahaa Hogaamiyahii ugu Muddada dheera ee SNM, Waxaa Nasiib darro ah in Guushaasi oo dhan uu isagu isku keliyeyey, uuna ku hataaqaayey Waddankan aniga ka madaxweyna ah, Guushana Cid kale ilama Weheliso, aad Moodana in uu Madaxweyna-nimadiisa Cidhiidhi gelinayo, Waxaanad Moodda inay dhabawday Kaftankii ahaa "U sheega Riyaale inuu Madaxweyne yahay, Haddii uu rumaysan waayana ugu dhaarta!!!" Waxaanan Xasuusinaya Madaxweynaha in uu dhaxlay kana dhaxlay Madaxweynahii Hore ee Somaliland Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal ilaahay ha u naxariistee , Waddankan oo Midaysan, kana dhaqaale iyo Nabad Gelyo Fiican, sida uu maanta yahay, wuxuu ku faannana haba-yaraate aanay meesha oolin, oo aan ahayn Ummaddu waxay keentay.

SU'AAL: Bal nooga warran Cismaan Heshiiskan laba Geesoodka ah ee Labadiina Xisbi ee Mucaaridka ah KULMIYE iyo UCID aad dhawaan soo saarteen ee aad ku wadaagaysaan Shir-Guddoonka Golaha Wakiiladda, taasi miyaan la odhan Karin wakhtigeedii hore ayaa looga sii dhacay?

JAWAAB: Intii aan la soo saarin Go'aankan Midaysan ee labadayada Xisbi wada gaadheen Waraysi ay ila yeelatay Shabakadda Wararka ee Somalilandfuture.com dhawaan ayaan ku sheegay inuu noqon doono heshiis dhammaan umadda reer Somaliland ka farxin doona, aannan ku hambalyeyeey niyad wanaaga iyo shaqo wanaagga Xisbiga UCID na dhex marray, taasi macnaheedu maaha labadii Xisbi ee Mucaaridka ahaa ayaa isku milmay, laakiin waxay ku heshiiyeen oo ay ku midoobeen Sixitaanka iyo Toosinta Somaliland inay dhinac uga soo wada jeestaan, haddaan usoo noqdo Su'ashaada aad I tidhi miyaad ka hor dhacdeen, Waxaan ku leeyahay Miisaska Siyaasadeed ee adduunka Caado waxaa u ah inaan la keenin Wax Qaydhiin oo lagu kala kaco, ee arrinka la soo bisleeyo marka hore, xallaalaynteedana la keeno miiska Siyaasadda si looga ilaaliyo Jaha-wareer, Buuq iyo isfaham la'aan, iyadoo mar walba la hor marinayo Danta ummadda, waxaanay taasi Macnaheedu tahay, Golaha ayaa leh go'aanka kama dambaysta ah, wax xaarantimaynaya Heshiiskayagaasi labada Xisbi wada gaadheena ma jiro, sidaan ogahayna hadda Ummadda reer Somaliland aad ayuu uga farxiyey Heshiiskani, loogana soo dhawaynaya dhammaan gobolada dalka.

SU'AAL: Sida ka muuqata Heshiiskani aad isla gaadheen labadiina Xisbi waxaa aad soo dhigteen Badka Seddexdii Nin ee Shir-Guddoonka Golaha Wakiiladda la wareegi lahaa oo Seddexduba labadiina Xisbi ka imanayaan, Sideed u aragtaa raggani aad Bedka soo dhigeen.?
JAWAAB: waa rag aanu soo wada shaqaynay khaas ahaan aniga Cismaan ahaan intaba si fiican ayaan u aqaana oo Saaxiib dhaw ayaanu nahay, Waa rag kalsooni buuxda aan ku qabo inay ka soo dhalaalayaan Hawshaasi Ilaahay haddii uu la qabto,
Seddexda Ninba Cabdiraxmaan Cirro, Cabdi-Casiis Maxamed Samaale, iyo Baashe Maxamoud, Waa rag u qalma Mansabkani, oo leh aqoonteeda, waayo-aragnimadeeda, garaadkeeda Siyaasadeed, dhaqaale ahaanna dhisan, kana haysta kalsooni buuxda labadooda Xisbi Qarran ee ay ka soo jeedaan.

Waraysigani Waxaa Qaadday Weriyaha Somaliland.org

Mohamed Abdi Hassan (diridhaba)
Hargeysa, Somaliland

No comments: