Sunday, November 20, 2005

Cabdillahi Yussuf oo ku Wargaliyey Ethiopia iyo Midowga Africa in uu Raali ka yahay in la Aqoonsado Somaliland.

Wargays u dhuun-daloola Siyaasada Dawlada Imbagaati ee Cabdillahi Yussuf hogaaminaayo oo la yidhaahdo Midnimo.com ayaa maanta daabacay in Cabdillahi Yussuf iyo Dawladiisu ay diyaar u yihiin in ay Ictiraafaan Somaliland.

Wargayska oo ka hadlaaya arinta ayaaa qoray.......... Ilo Muhiim ah oo lagu Kalsoon yahay ayaa waxay sheegayaan in Dowladda Ethiopia, Cabdillahi Yussuf iyo Ra’iisal Wasaare Geeddi ay taageersanyiin heshiiska Ganacsi ee u dhexeeya Somaliland iyo Ethiopia, siiba Isticmaalka dekeda Berbera.

Itoobiya waxay dadaal ugu jirtaa sidii Somaliland loo aqoonsan lahaa,iyada oo ujeedadeeda ugu weyn ay tahay Isticmaalka Dekedda Berbera oo ay Itoobiya baahi weyn u qabto.

Cabdillahi Yussuf ayaa Dowladda Itoobiya iyo Midowga Afrika ku wargeliyay in aanu waxba ka qabin in Somaliland loo aqoonsado Dowlad madax bannaan.

Qaar ka mid ah Shaqaalaha iyo saraakiisha Xafiiska Midowga Afrika ayaa laga soo xigtay qoraal ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya oo sheegaaya in aanu waxba ka qabin in Somaliland loo aqoonsado Dowlad gooni ah iyada oo qoraalkaas uu Xafiiska Midowga Afrika ee Adis ababa uu keenay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Danjire Cabdiillahi Sheekh Ismaaciil.

Dowladda Itoobiya ayaa ballan ugu qaaday Cabdillhi Yussuf iyo Ra’iisal wasaare Geeddi in dalka Soomaaliya gacanta loo galin doono, laguna taageeri doono sidii loo xasilin lahaa.....Haddii ay oofiyaan balamadii ay galeen ee ku saabsanaa Aqoonsiga Somaliland iyo arimaha nabadgelyada ee Gobolka.

By: Osman Abdillahi Sool......Freelance Journalist.

No comments: