Tuesday, November 22, 2005

Madaxweyne Rayaale Oo Ku Dhawaaqay Samaynta Wakaalad Wararka Baahisa Oo Somaliland Yeelato "Sona"

Hargeisa (Somaliland.org) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mr. Daahir Rayaale Kaahin ayaa maanta wuxuu soo saaray Xeer Madaxweyne oo ku dhawaaqay samaynta Wakaalad wararka Somaliland iyo dibaddaba baahin doonta oo ay Somaliland yeelan doonto, Nuqul Magaacibid ah oo ay ku qornayd samaynta Wakaaladani wararka Somaliland ay yeelan doonto oo soo gaadhay Somaliland.org ayaa waxay u qornayd sida tani:

Markii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland uu arkay Baahida loo qabo in Qarranku yeesho Wakaalad Baahisa Wararka Gudaha iyo Dibadda Somaliland, Markuu Madaxweynahu Qodobka 27-naad ee Dastuurka Qarranka Somaliland ee dhigaya in Qarranku yeesho Haayad Warbaahineed, markuu Madaxweynahu la tashaday Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta wuxuu Magaacabay in ay Somaliland yeelato Wakaalad Wararka Somaliland Somaliland News Agency "SONA" oo hawsheedu noqon doonto baahinta wararka Gudaha iyo Dibadda Somaliland ka dhaca, Wakaaladdani oo toos u hoos iman doonta Wasaaradda Warfaafintu waxay yeelan doonta Agaasime Guud iyo shaqaale ka hawl gala".

MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)
SOMALILAND.ORG, HARGEISA.
Somaliland.org@gmail.com

No comments: