Sunday, November 20, 2005

XISBIGA UCID OO KA QAADAY XUBINIMADII XISBIGA XILDHIBAAN SICIID MOHAMED CILMI

Xisbiga UCID, ayaa maanta soo saaray warqad Xubinimada lagaga qaadayo Xildhibaan Siciid Mohamed Cilmi, warqadaasina waxaa ay u dhignayd sidan:-

KU: Xildhibaan Siciid Mohamed Cilmi = Gacan Saar =
OG: Guddiga Doorashooyinka Qaranka “
OG: Xisbiga KULMIYE “
OG: Xisbiga UDUB “
UJEEDDO: Waayid Xubinimo Xisbi

Mudane,

Ka dib markaan Tix-galinay Qodobka 8 aad ee Xeerka Xisbiga UCID iyo sababaha lagu waayi karo Xubinimada Xisbiga.

Ka dib markaan aragnay balan qaadkii uu sexeexay Xil. Siciid ee ahaa inuu hogaansamayo xeerka iyo Barnaamijka Xisbiga UCID inta uu xilka hayo, wakhtigii doorashada ka hor.
Ka dib markii uu Xildhibaan Siciid uu Warar been abuur ah ka sameeyey Xisbiga UCID iyo Xildhibaanada Golaha Wakiilada Cusub ee UCID, been abuurkaas oo xildhibaanada UCID si wada jir ah ugu beeniyeen qalabka War-baahinta.

Ka dib markii xil.Siciid si badheedh ah uu khilaaf uga dhex abuuray Xildhibaanada Xisbiga UCID, isaga oo uga dan leh burburinta Nuxurka heshiiska iskaashi ee labada Xisbi ee Kulmiye iyo UCID.

Ka dib markii Xubnaha Guddiga joogtada ah ee Guddiga Fulinta ee Xisbiga UCID, ka doodeen kana baaraan degeen falalka uu ku kacay Md. Xildhibaan Siciid, waxaa Guddidu si wada jir ah u go,aamiyeen in laga xayuubiyo Xubinimada Xisbiga UCID Md. Siciid Mohamed Cilmi.

ALLAA MAHAD LEH

XUBNAHA SEXEEXAY:-

1. Faysal Cali-waraabe Guddoomiye 2. Aamina Milgo Mohamuud Warsame Gudd. Ku xig 3 aad 3. Yuusuf Mohamuud Guuleed Xog. Dhaqalaha 4. Mohamed C/lahi Uur-cadde Xog. Maamulka 5. Xasan Xuseen Mohamed Af-hayeenka Xisbiga 6. Mustafe Ciise Xuseen Xubin

Somaliland Future Online Hargeisa

No comments: